Askar ku dhimatay weerar ka dhacay magaalada Boosaaso

Laba askari oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta  Puntland ayaa ku dhintay weerar  caawo lagu qaaday askar ku sugnaa maqaaxi ku taalla magaalada Boosaaso,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Askari kale  ayaa isna la xaqiijiyay in dhaawac ka soo gaaray weerarkan oo koox hubaysan ay ku qaadeen askarta oo ku sugnaa maqaaxi ku taalla barxadda magaalada Boosaaso.

Kooxdii weerarka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana ciidamada amnigu halkaasi ka wadan hawlgallo baaritaan ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ,hase yeeshee malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab oo ku sugan buuraleyda gobolka Bari ayaa weerarro sidaan u eg ka geysta magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST