Wasiirkii wasaaadda Arrimaha gudaha dowladda Puntland,Cabdullaahi Cali Xirsi(Tima-cadde) ayaa magaalada Garoowe kaga dhawaaqay inuu u sharraxanyahay madaxweyne ku xigeenka Puntland doorashada madaxtinimada ee qorshaysan in ay dhacdo 8-da Jennaayo 2019.
Mudane Tima-cadde ayaa subaxnimadii hore ee saaka iska’ casilay xilkii wasiirnimo,waxaana uu isla duhunimadii maanta ku dhawaaqay murashaxnimadiisa,isagoo soo bandhigay qorshihiisa waxqabad haddii loo doorto madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Hadal kooban oo uu warbaahinta ku siiyay munaasabadda uu kaga dhawaaqay murashaxnimadiisa, ayuu ku sheegay in uu ka shaqeyn doono;midnimada,wadajirka,difaaca iyo soo celinta xuduudaha maqan ee Puntland,islamarkaana uu wax ka qaban doono arrimaha amniga,dhaqaalaha,caafimaadka iyo waxbarashada.
PUNTLAND POST