Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso dagaalo qasaare geeystay oo ka dhacay gobolka Gal-Gaduud ee brtamaha dhulka Soomaaliya.
Dagaaladaan ayaa waxaa ay ka dhaceen duleedka degmada Balan-Bale ee gobolka Gal-Gaduud ee maamulka Gal-mudug.
Dagaaladaasi ayaa geeystay qasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac waxaana uu dhexmaray maleeshiyo beeleedyada halkaasi wada daga.
Gudoomiyaha degmada Balanbale Xuseen Liibaan Warsame oo la hadlay Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay dagaaladaasi iyo qasaaraha ay geeysteen isaga oo sheegay in ilaa iyo hadda 4 ruux dhimashooda la soo wariyay isaga oos heegay in laga yaabo in dhimashadu ay intaasi ka badato.
Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga Gudoomiyaha uu Wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke oo PP katirsan
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho