Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray dhamaan taliyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Kulankaan ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa faray taliyaasha in si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii Muqdisho dhacay jimcihii la soo dhaafay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale amray talisyada kala duwan ee ciidamada qalabka sida in ay isku diyaariyaan dagaalo lagu qaado Al-shabaab.
Hoos ka Daawo Sawirada


Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho