PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Madaxweyne Gaas”Puntland iyadaa na hurran iyada ayaana nagu filan”

Share

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ayaa shacab weynaha Puntland ugu baaqay in ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkooda,islamarkaana ka digtonaadan cid kasta oo wiiqaysa jiritaanka dowladnimada Puntland.

Madaxweyne Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada,kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Garoowe,ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay ku filantahay shacabkeeda,balse haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagaysa ay u fasaxantahay.

“Waxaan dadka reer Puntland kula dardaarmayaa in ay marwalba ilaashadan midnimadooda. Puntland iyadaa na hurran,iyada ayaana nagu filan,Haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagays,waxaa runtii habboonan lahayd in qofkii meel kale u hanqal-taagaya in meesha uu aadayo aado”,ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay in Puntland ay ku filantahay dhammaan arrimaheeda gaarka ah oo aysan cidna uga baahneyn in ay ku tiirsanaato”Puntland waa isku filantahay,waana isku kalsoontahay,waana isku tashanaysaa haddii Ilaahay yiraahdo”,ayuu raaciyay madaxweyne Cabdiweli Gaas.

PUNTLAND POST

1 comment

  1. Dadweynaha aad iyo aad u tiro iyo taya badan ee Puntland intaad ugu cagajugleeyneeyso in ay dalkooda ka aadaan meeshii ay u hanqal taagayaan maxaad adigu meesha aad u hanqaltaagayso u aadi weyday, ADIGAA JINSIYAD PAASAPOORKEEDA meel walba lagu taigi karo heystee? Cabdiwali, haddaad adigu Digireeyadaadi dibadda wax uga qabsanwayday, maxaad dadweynaha intooda badan ayan waxbarasho assaasi ah lahayn aad guryohooda uga cayrinaysaa? Puntland kaligeed isma taagikarto ee ma Imaraadka inaad ku dartaad doonaysaa? Ma madaxweyanimada Puntland oo laga yaabo in aanan dib laguugu dooran doonin baa kugu fillan weyday oo Amiirkii 8aad baa madaxda Imaraadku kuu ballan qaadeen? Inta yar ee aad madaxweynanimada sii hayso ka taxaddar ku takrifalashada magaca iyo maaliyadda dadweynaha.

Leave a Reply