Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in saakay fal geeystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay magaaladaasi.
Falkaan ayaa dhacay kadib markii ciidamada Somaliland saaka ay dad rayid ah ka rarayeen xaafada Qurac dheer ay dadkii ka dhaga adeegeen.
Ciidamada ayaa dadkaasi u adeegsaday rasaas nool nool, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Hal qof oo rayid ah ayaa geeriyooday ugu yaraan 2 ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaastaasi.
Ciidamada ayaa dadka si awood ah uga raraya xaafadaasi oo daadad dad badan ay kal hore ku qaadeen xaafadaasi.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post