Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sh. Ibraahim Muudeey ayaa ka hadlay shaqaaqadii maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.
Gudoomiye Muudeey ayaa ku eedeeyay Gudoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad in Baarlamaanka maanta ay xadgdub ku sameeyeen.
“Qof masuuliyad sheeganaya hadana ku xad gudbaya waa arrin aan wanaagsaneyn, shacabka Soomaliyeed waxaan u sheegayaa in arrintaasi ay la socdaan, kana xun nahay sida ay wax u dhaceen, qof sharciga ka weyn ma jirto.” ayuu yiri Muudeey
Waxa uu ku eedeeyay Gudoomiye Jawaari in ciidamo badan uu geeyay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.
Gudoomiye Muudeey ayaa ku baaqay in Tilaabo Sharciga waafaqsan laga qaado Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Labaad.
Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay soo faragaliso xad gudub uu sheegay in Gudoomiye Jawaari uu ku hayo Baarlamaanka.
Hoos ka dhageyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho