Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cabdala Cawad, iyo Mudanayaal ka tirsan kuwa taageersan ayaa maanta kulan waxa ay la qaateen Taliyaha Ciidamada AMISOM.
Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay qalalaashii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidamadda AMISOM Paul Lokech ayaa kulanka ka sheegay in ciidamada AMISOM ay saarantahay Masuuliyad islamarkaasina ay gaashaan u noqonayaan Gudoomiye Jawaari.
” Jawaari waa Gudoomiyaha Baarlamaanka Masuuliyada ayaa naga saaran Gaashaan ayaa u noqoneeynaa maadaama uu yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Furumaha Dagaalna waan uga soo baxeeynaa” ayuu yiri Paul Lokech Taliyaha Ciidamada AMISOM.
Shaqaaqad sababtay in uu fashil iyo buuq ku dhamaado kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho