25 Arday oo ku sumoowday Jaalaato ay Cuneeyn Muqdisho

25 Arday ayaa ku sumoobay Jaalato ay cuneeyn Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya.

Ardaydaan ayaa waxa ay dhigtaan Schoolka Global oo ku yaala degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Shcoolka iyo Goobjoogayaal la hadlay Puntland Post ayaa waxa ay sheegeen in ardadaan ay cuneeyn Jalaato Xiligii Bareega aheyd.

Ardaydaasi ayaa waxaa la jiifiyay Isbitaalka Keeydsaneey oo duleedka Woqooyi ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisoow ayaa sheegay in ay u gurmadeen Ardaydaasi.

“Maamulka Benadir oo kaashanaya bulshada ayaa u gurmaday ardeyda Iskuulka Global ee degmada Kaaraan oo Jalaato ay cuneen ku xanuunsaday Booliiska ayaa baaraya shaqsigii gadeyey iyo warshadii ” Ayuu yiri Gudoomiye Yariisoow

Dhaqaatiirta ayaa la tacaalaya xaalada Caafimaad ee ardaydaasi oo u badan kuwo dhalinyaro ah.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho