Waxaa saaka si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Ciidamo aad u farabadan ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.
ciidamada ayaa xiray Wadooyinka , Wadnaha , Makka Al-Mukarama ee Muqdisho.
Sidoo kale ciidamada ayaa xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka wadooyinka soo gala madaxyooyada iyo xarunta golaha shacabka.
Arintaan ayaa ka dambeeysa kulan Xildhibaanada baarlamaanka Maanta oo Arbaco ah ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho