Militariga Soomaaliya oo dilay sarkaal sare ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa hawgal ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab,sida ay soo werisay Wakaaladda SONNA.

Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure ayaa lagu dilay degaan u dhexeeya magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan,wuxuuna qaablisanaa uruurinta lacagaha baadda ah ee Al-shabaab ka qaaddo shacabka,sida ay sheegtay Wakaaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA.

Sidoo kale ciidanka Xoogga dalka ayaa la wareegay degaanka Hees oo hoostaga degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,iyagoo halkaasi ka saaray malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo horeay u maamuli jiray degaankaasi.

PUNTLAN DPOST