Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Imaaraadka

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaa Goordhow ka Amba baxay magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wajahan Magaalada Abuu Dubai ee caasimada Dalka Imaaraadka Carabta.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa qeeyb ka ah wasiiro xildhibaano iyo madax ka socoto Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa si dhab ah looma oga waxyaabaha ay kala hadli doonaan madaxweynaha dalka Imaaraadka.

Waa safarkii labaad oo tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la doortay 8 February ee sanadkaan 2017-ka uu ku tago safar dalka Imaaraadka Carabta.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho