Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah loo dhigay ciidamo Mareykan ah iyo Askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xoogag ka tirsan Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamada huwanta ah oo kasoo ambabaxay deegaanka Basra kuna sii jeeday degmada Balcad, halkaasina waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Xiriiro aan la sameenay dadka deegaanka ayaa noo sheegay inuu weerarkan ahaa mid culus hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayna maqlayeen Jug culus oo ay u maleynayaan iney tahay Qaraxyo dhulka lagu aasay.
Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ayaa maal mahan ka waday inta u dhaxeysa Gobalada Shabeelada hoose iyo Gobalka shabeelada dhaxe Howlgal ka dhan Al-shabaab.
PUNTLAND POST