Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa hor-geeyay baarlamaanka Somalia mooshin ku saabsan xaaladda Ammaan ee uu dalku marayo, gaar ahaan caasimada Somalia ee Muqdisho, kaasoo la filayo in loogu yeero mas’uuliyinta ugu sarreysa xukuumadda Soomaaliya.
Guddiyada Ammaanka iyo Difaaca Baarlamaanka Somalia ayaa shalay kulan gaar ah ka yeeshay habka loo dhigayo mooshinka Ammaanka laga keenay, waxayna ka doodeen sida baarlamaanka u wajahayo xaaladda Ammaan ee uu dalku marayo, iyadoo xilalkii laga qaaday Taliyeyaasha Booliska iyo sidoo kale Nabad-sugidda Qaranka.
Sidoo kale, Labadaan Guddi oo ay guddoomiyeyaal ka kala yihiin; Fowsiyo Maxamed Sheekh iyo Xuseen Carab Ciise, ayaa waxay isla gartay in la furo mooshinka Ammaanka, loona yeero madaxda xukuumadda oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Amniga.
Dhanka kale, Xildhibaannada Qaarkood ayaa hore u dalbaday inuu Ra’iisal Wasaare Kheyre hor-yimaado Baarlamaanka Somalia, halka qaar kale sida saraakiisha amniga oo ay ku jiraa kuwii xilka laga qaaday.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa kaddib markii Muqdisho ay ka dhaceen Qaraxyo khasaare badan geystay, kuwaasoo ay mas’uul ka tahay Al-shabaab, waxaana jira dadaallo ay dowladdu ku doonayso inay ku adkeyso amniga.
PUNTLAND POST