Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dowladda Somalia iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira ay dhibaato weyn ku qabaan Al-shabaab, isagoo tilmaamay in mas’uuliyiinta oo dhan ay iminka diyaarad saaran yihiin oo aanay mari karin dhulka.
Shariif Xasan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Somalia iyo maamullada Soomaaliya ay heystaan ama maamulaan hawada, halka kooxda Al-shabaab ay iyaduna maamusho ama haysato dhulka.
“Mas’uuliyiinta waddanka dhamaantood diyaarad ayay saaran yihiin, runtii markaan fiiriyay Dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada hawada ayay haystaan dhulkiina Al-shabaab ayaa ka talisa, sidaa daraadeed waxaa nala gudboon inaanu ka fikirno sidii aan dhulka u qabsan laheyn,” ayuu Shariif Xasan ku yiri hadal uu jeediyay.
Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa sheegay in aan laga fikiri karin horumar iyo wax kale inta Al-shabaab dhulka haystaan, isla markaana aanan deegaanada kale la isaga gudbi karin. Isagoo qiray in Baydhabo iyo Muqdisho aan gaadiid lagu tagi karin, sidoo kale wuxuu caddeeyay in deegaanada kale ee gobolada dalka ay la mid tahay.
Dhanka kale, Wuxuu xusay in loo baahan yahay in laga faa’ideysto dareenka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Kooxda Al-shabaab meel looga soo wada-jeesto si sharciga iyo kala-dambeynta loogu baahiyo dalka oo dhan.
“Hadii dadka ay Diin u qaldi jireen shalay, maanta bannaanka ayay u soo baxday, dadkii dhanna waa naceen, waxaa la rabaa in laga faa’ideysto oo innagoo dhan aan meel uga soo wada-jeesanno sidii aan ammaanka wax uga qaban lahayn,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Madaxda Dowladda Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka ay maalintii saddexaad ku shirsan yihiin Muqdisho, waxaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed loo dhan yahay.
PUNTLAND POST