Muqdisho (PP) ─ Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in dad gaaraya 126 milyan oo Maraykanka ku nool inay gaartay macluumaad ay soo gudbiyeen dad Ruushka ku sugnaa, arrintaasina waxay dhacday labadii sano ee la soo dhaafa.
Warbixin ay baahisay BBC-da ayaa lagu sheegay in Bartan ay bulshadu ku xiriirto ayaa sheegtay in 80,000 oo jeer macluumaad la soo dhigay ka hor iyo ka dib doorashadii Maraykanka.
Macluumaadkan dadka lala wadaagayay ayaa diiradda saarayay fariimo kala qaybin ah oo mid bulsho iyo mid siyaasadeedba lahaa.
Facebook ayaa baahiyay macluumaad ka hor dhagaysiga aqalka Senate ee ku saabsan saamaynta uu Ruushku ku leeyahay shirkadaha caanka ah sida Facebook, Twitter iyo Google.
Ruushka ayaa diiday eedaymaha sheegaya in ay isku dayay in uu saamayn ku yeelasho doorashadii u dambaysay ee Maraykanka, taas oo Trump uu kaga raayay Hillary Clinton.
Dhanka kale, Tiradan u dambaysay ee Facebook uu soo gudbiyay waxaa aragtay wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska Washington Post.
Macluumaadkan 80,000 waxaa baraha bulshada lagu baahiyay bishii Juunyo ilaa bishii Agoosto ee 2017kii.
Ugu dambeyn, Shirkadda Facebook waxay sheegtay in Waxyaabahaan ay baahisay shirkad Ruushka laga leeyahay oo xiriir la leh Aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka.
PUNTLAND POST