Muqdisho (PP) ─ Waxaa magaalada Toronto ee waddanka Canada xalay ku geeryooday Xildhibaan hore Cawad Axmed Casharo, waxaana geeridiisa ka hadlay Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sheegay in uu ahaa mas’uul waqti badan geliyay dalkiisa.
Casharo ayaa wuxuu ka mid ahaa xildhibaanadii ugu halka adkaa dhamaan baarlamaanadii hore ee uu kasoo mid noqday, wuxuuna inta badan si aad ah uga hadli jiray xaaladaha dalka uu marayo iyo sida looga bixi karo.
Xildhibaankan hore ayaa wuxuu xilliyadii dambe ka hadli jiray horumarka iyo taariikhda Soomaaliya, isagoo Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed ku boorin jiray inay gacmaha is-qabsadaan si dalku uu horumar u gaaro.
Sidoo kale, Mudanahan hore ee geeriyooday ayaa soo noqday Guddoomiyihii Guddigii Warfaafinta ee baarlmaankii 8-aad ee dalka, isagoo dhaliili jiray sida loo dhaqmo suxufiyiinta ka hawl-gala gudaha dalka.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay ALLAHA u naxariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara.
Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”
Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumku ka mid ahaa Barlamaankii dowladdii KMG ahayd, uuna u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo kaalin muhiim ah kulahaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.
“ALLAHA u raxmadee Xildhibaanka hore, wuxuu inta ugu badan nolashiisa ku bixiyey ururinta taariikhda Soomaalida, isagoo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaamay baarista iyo qorista taariikhdeenna soo jireenka ah,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Madaxweyne Farmaajo.
PUNTLAND POST