Muqdisho (PP) ─ Waregyska The Guardian ee kasoo baxda Britain, ayaa qortay in dableydii Weeraray maalin ka hor Hoteelka Naasa-hablood Laba ee Muqdisho ay wateen Kaararka Aqoonsiga NISA, sida uu u sheegay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Somalia ee NISA.
Dableydan weerartay Hoteelka ayaa sidoo kale xirnaa dareyka ciidanka, taas ayaa ka dambeysay inay si fudud ku galaan Hoteelka, markii uu qarax weyn dhacay, iyagoo iska dhigayay ciidan.
Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Col. Axmed Yare ayaa Wargeyskaan u shegay in ragga weerarka geystay ay wateen kaararka aqoonsiga oo leh macluumaad cad oo ay ka mid yihiin magacyada, sawirka iyo darajadooda.
“Kooxdii weerartay Hotel Nasa-hablood Laba wuxuu mid kasta oo ka mid ahi watay kaarka aqoonsiga NISA oo leh xogo cad oo ay ka mid yihiin magaca, darajada iyo sawirrada, suuro-galna uma ahayn sarkaal boolis ah inuu ka is-hor-taago amaba u diido inay galaan Hoteelka,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Wargeyska.
Sidoo kale, sarkaalku wuxuu hadalkiisa ku daray in taas ay sababtay inay ka soo gudbaan koontaraloodii ciidanka, isla markaana loo maleeyay inay ciidan ahaayeen.
Dhanka kale, Saddex ka mid ah kooxdii weerarkaan geysatay oo xilli dambe oo saqdii dhexe Hoteelka ka baxsaday ayaa lagu qabtay xaafad Boondheere ka tirsan, kaddib markii ay galeen guri halkaas ku yaalla, wuxuuna warku ku darayaan intaas inay gurigaas dharka isaga bedeleen, balse ciidanka ay ugu daba-tageen.
Waxay kaloo wararku sheegayaan, in saddexda nin uu mid ka mid ah uu dhaawacnaa, isla markaana haatan gacanta ku hayaan hay’adaha amniga, waxaana saraakiisha hay’addu ay sheegeen inay ku socoto su’aalo weydiin si loo ogaado cidda ku lug leh weerarkaan oo ay ku dhinteen 27-qof, tiro intaa ka bandanna ay ku dhaawacmeen.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada Somalia ayaa kulan ay shalay yeesheen xilalkii uga qaaday Taliyeyaashii Nabad-sugida iyo Booliska Somalia, taasoo qayb ka ah qorshayaal lagu xoojinayo ha’yadaha amniga dowladda sida ay sheegeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada Soomaaliya.
PUNTLAND POST