Golaha Wasiirada Somalia oo la isugu yeeray kulan deg-deg ah oo la Xiriira Ammaanka

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa shir deg-deg ah isugu yeeray golihiisa wasiirrada, iyadoo laga yaabo in shirkaan laga soo saaro go’aano la xiriira Amaanka Dalka, kaddib Qaraxii shalay lagu Weeraray Hotelka Naasahablood 2.

Shirkan deg-degga ah ayaa la sheegayaa inuu qaybtiisa hore shir guddoomin doono Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Somalia, Laakiin qaybtiisa dambe uu guddoomin doono Ra’iisul Waasaraha Somalia Xasan Cali Khayre.

Warar ku dhaw kulanka ayaa sheegaya in dhici karto in tallaabooyin Amni ay kasoo baxaan, maadaama labo todobaad gudahood uu magaalada ka dhacay weerarro khasaare badan geystay.

Dhanka kale, Waxaa laga filan karaa in kulankaan inta uu socdo ay dhacaan doodo adag oo dhex-mara Golaha Wasiirrada, kuwaasoo u badnaan doona Sugidda Amniga Muqdisho iyo sida aanay hay’adaha amaanku wali u qaadin wax mas’uuliyad ah labadii weerar ee u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

UGu dambeyn, Weli lama oga Tallaabooyinka la qaadi doono inay ka mid yihiin kuwo xilalkooda ku weyn doonaan saraakiil ammaan iyo in kalem balse qodobbada soo bixi doona waa kuwo diiradda lagu saari doono ammaanka.

Wixii warar ah ee kasoo baxa shirkan waxaad kula socon doontaan Puntlandpost Insha Allaah.

PUNTLAND POST