Xildhibaan hore oo ku geeriyooday qarixii Muqdisho

Cabdinaasir Gaarane oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay qarixii galinkii dambe ee maanta ka dhacay Muqdisho.

Waxaa wali la maqlayaa jugta qaraxyada iyo rasaasta waxaana hadda dhacay qarixii 3-aad oo wax ka yar hal saac ka dhaca Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteel Naasa Hablood 2 oo ku yaala Xamar Weyne.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Sarkaal lagu magacaabi jiray Col Fanax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska.

Sidoo kale Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada ayaa kamid ah dad ku jira gudaha Hoteelka iyada oo Ciidamada Dowladana ay kula dagaalamayaan.

Khasaaraha guud ee qaraxaasi ayaan si dhab ah loo xaqiijin karin Waxaana wali gudaha Hoteelka ka socdo Rasaas iyo Qaraxyo.

Faah Faahinta Qaraxa kala soco Insha allah Puntland Post.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho