Qarax Xoogan oo goordhow lagu weeraray mid kamid ah Hoteelada Muqdisho

Qarax Xoogan islamarkaasina si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay Hoteelka Naasahablood 2 oo ku yaala Degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in marka hore qarax gaari lagu dhuftay irida hore ee Hoteelka islamarkaasina rag hubeeysan ay rasaas toos ah ku weerareen Hoteelka.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxani maadaama uu goordhow ka dhacay Muqdisho.

14-Kii Bishaan ayey aheyd markii qarax khasaare weyn geystay uu ka dhacay Isgooyska Soobe ee Magaalada Muqdisho kaasi oo geystay qasaare aad u badan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho