Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Shirka u dhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada uu Bari ka furmayo Muqdisho.
Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in Madaxda Maamul Goboleedyada qaar kamid ah aanay soo gaarin Muqdisho islamarkaasina ay maanta soo dhameeytirmi doonaan si shirka bari uu u furmo.
Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku sugan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan , Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo Madaxweynaha Hir Shabelle Mudane Cabdi Waare.
Sidoo kale galinka Dambe ee maanta ayaa waxaa lagu wadaa in ay Muqdisho soo gaaraan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kal hore sheegay in shirka u dhaxeeya madaxda dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada uu Muqdisho ka Furmi doono 28-Octobar oo maanta ku beegan inkastoo uu dib u dhacay.
Waxaa lagu wadaa in Caawa ilaa galabta ay Muqdisho ka dhacaan shirar hordhac u ah shirka bari ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Hoos ka dhageyso Warbixin Wariyaha PP Muqdisho Cowke uu arintaasi ka diyaariyay
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho