Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Muqdisho

PP – (Muqdisho): Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax (Juxa).

Madaxweynaha Galmudug ayaa qeybta VIP-da kulan gaar ah kula qaatay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax (Juxa), iyo xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda deeganada Maamulka Galmudug.

Magaaladda Muqdisho waxaa shalay soo gaaray Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh aadan, kaasi oo xalay ilaa shalay kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya.

Waxaa lagu wadaa sidoo kale in ay Muqdisho soo gaaraan Madaxda dhamaan Maamul Goboleedyada dalka ka jira oo lagu wado in galabta shir uga furmo Muqdisho.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho