Kooxo hubeysan ayaa xalay Xaafadda Seybinaayo ee Degmadda Hodan waxay ku dileen haweeneey aheyd sarkaal katirsan ciidamada Booliska Soomaaliya.
Allaha u naxariisree Sarkaaladaan ayaa lagu magacaabi jiray Kornayl kaaho Jiis.
Rag dhalinyaro ahaa ayaa la sheegay in fuliyeen Dilka kaaho xili ay ku sugneed dukaan ku yaala xaafadda seybiyaano.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana goobta gaaray Ciidamdda Amaanka Dowladda Soomaliya. Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas.uuliyadda dilka.
Haweeneeydaan La dilay ayaa la sheegay in Tukaanka ay iyada laheyd islamarkaasina maalintii ay la shaqeeyn jirtay ciidamada Booliska Habeenkiina ay u shaqeeyn jirtay caruur ay dhashay.
Ciidamo katirsan kuwa amaanka dowlada Soomaaliya ayaa Gaaray goobta dilka uu ka dhacay kuwaasi oo howlgal ka sameeyay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho