DF oo boqolaal ciidamo ah ku daabushay Qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho (PP) ─ Tiro ku dhaw 1000 askari oo ka tirsan Millateriga dalka oo aad u qabalabeysan ayaa la sheegay in Dowaldda Federaalka Soomaaliya ay geysay degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose Ciidamadaas oo loo diyaariyay in maalmaha foodda nagu soo haya ay u dhaqaaqan goobaha ay maamulaan Al-Shabaab ee gobalkaas.

Saraakiil ka tirsan Millateriga Soomaaliya, ayaa u Xaqiijiyay Warbaahitna in Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka oo ay saran yihiin hub culus, iyadoo la sheegay in ciidamadan la geeyay; Afgooye, Lambar 50 iyo garoonka balli-doogle iyo deegmooyin  kale, waxay u diyaar-garoobeyn inay dagaallo culus la galaan Al-shabaab.

Xubno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ayaa iyaguna u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta in ciidamadaan ay diyaarsan yihiin, waxayna intaas ku dareen in ciidamadan ay la socdaan dhakhaatiir, isla markaana ay diyaarado dagaal ay ka caawinayaan cirka, ayna sugayaan amar kasoo baxa Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhinaca Kale, Al-shabaab ayaa la sheegay in dadka deegaannadaas ku nool ay ku amrayaan inay jibiyaan jiinka webiga si dhulka uu u noqdo dhiiqo, si looga hor-istaago ciidamadan inay deegaannadaas u marin.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa la sheegay in inta badan waddooyinka gobolka Shabeellaha Hoose ay ku aaseen miinooyin si aysan Ciidamada Dowladda u soo marinwaddooyinkaas.

Goob-joogayaal ku sugan Gobolkaas, ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay Al-shabaab Qarxiyeen illaa dhawr gaadiidka loo yaqaan cagaf-cagafyada beeraha oo ganacsatadii la lahaa ay diideen inay kiciyaan si waddooyinka ay godad uga qodaan. Isla markaana ay kaxeysteen ganacsatadii labaa gaadiidka la qarxiyay.

Ugu dambeyn, Hawl-galka ka dhanka ah Al-shabaab ee Qaadayaan ciidanka Dowladda Somalia la sheegay inuu billaaban doono markii uu Dalka dib ugu soo laabto Madaxweynaha Somalia oo maanta dib u soo laabtay.

PUNTLAND POST