Robert Mugabe oo si jees jees ah u sheegay inuusan Aqbali lahayn Safiirnimadii WHO

Harare (PP) ─ Madaxweynaha Dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa la sheegay inaanu aqbali lahayn jagada safiir-sharafeedka hay’adda WHO ee caafimaadka Adduunka, sababtoo ah dalkaas wuxuu caan ku ahaa soo saarka tubaakada, sidaasi waxaa lagu sheegay Jariidadda Herald ee ay dowladdu leedahay.

Mugabe ayaa warbaahinta ka ogaaday magacaabista, waxaana uu u qaadan lahaa codsi rasmi ah oo looga dalbado in uu noqdo safiir-sharafeed mid aan la aqbali karin, ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr Charamba.

“Madaxweyne Mugabe ma aqbali lahayn in Zimbabwe joojiso soo saarista tubaakada illaa iyo inta ay jiraan dad u xaraareysan inay sigaar dhuuqaan ayna dalbadaan iyo inta cabitaanno xun oo kale aduunyada laga soo saaro laguna iibiyo oo ay ka mid yihiin Qamriga Whisky iyo Biirka, kuwaasoo sababa dhimasho ka badan inta sigaarku sababo,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Zimbabwe oo lagu magacaabo George Charamba.

Madaxa Hay’adda WHO Dr. Tedros Ghebreyesus oo u dhashay Itoobiya waa Afrikaankii ugu horreeyay ee jagadaas qabta, wuxuuna ku dhawaaqay magacaabista Robert Mugabe todobaadkii lasoo dhaafay, isagoo leh in uu u adeegsan karo doorkaas, inuu saameyn ugu yeesho sidii Saaxiibaddiisa Gobolka ay ula dagaalami lahaayeen cudurrada aan la is qaadsiin karin.

Balse Dr Tedros ayaa ka laabtay go’aankaas kaddib markii si wayn loo cambaareeyay, waxaa ka mid ahaa cambaareynta meelaha ay ka timid Dawladda UK iyo Ra’isalwasaaraha Canada Justin Trudeau.

Dhanka kale, 20-kii sano ee ugu horreeyey 37-sano ee uu xilka hayo Robert Mugabe wuxuu si wayn wax uga qabtay arrimaha caafimaadka, Laakiinse adeeggaas ayaa si balaaran u saameeyey dhaqaalaha Zimbabwe oo jilbaha dhulka dhigtay tan iyo Sanadkii 2000.

Ugu dambeyn, Shaqaalaha ayaa inta badan ku shaqeeya mushaar la’aan, helitaanka caafimaadka ayaa aad u yar, iyadoo Mr Mugabe oo cimrigiisu dhaafay sodon sano ka badan celcelis ahaan da’da nolasha dadka waddankiisa wuxuu caafimaad u aadaa dalalka dibadda.

PUNTLAND POST