Wararka naga soo gaaraya deegaanka Lafoole ee ee dhaca inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay halkaasi dad rayid ah ku toogteen.
Ku dhawaad 16-ruux oo shacab ahaa ayay ciidmada Midowga Afrika AMISOM toogteen kadib markii qarax miino lagu eegtay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM markii qaraxa lala eegtay ay rasaas ku fureen xaafadaha, kaddibna ay ka degeen gaadiidkooda.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira Arday halkaasi ka dhigineeysay Iskuul iyo dad rayid ahaa oo saarnaa Gawaarida dad weeynaha ee isaga kala gooshta Muqdisho iyo Afgooye.
Dhacdooyinka ceynkaan oo kale ah oo ay dadka rayidka ah ku xasuuqayaan ciidamada AMISOM ayaa ku soo badanaya dalka Soomaaliya.
Faah Faahinta dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho