Safiirkii Soomaliya ee Ingiriiska C/raxmaan Ceynte oo icasilay

C/raxmaan Yuusuf Ceynte oo ahaa Safiirkii Soomaaliya ee dalka ingriiska  ayaa ku dhawaaqay In uu iska casilay xilkaas.

Mr Ceynte oo xilkan loo magacaabay bishii May ee sanadkan, ayaa waxaa magacaabay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed  Farmaajo, isagoo ka mid ahaa saddex Danjire oo uu Madaxweynuhu magacaabay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in iscasilaadda Ceynte ay sabab u tahay in aan laga soo jawaabin warqadii magacaabida ee loo diray Boqorada UK, sida sharciga ahna ay ka guddoonto waraaqaha aqoonsi ee Safiirada la soo magacaabo.

Sidoo kale Mr C/raxmaan Ceynte ayaa la sheegay in markii horeba uusan ku qanacsaneyn xilka Safiirka UK.

C/raxmaan Ceynte ayaa xilal ka duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray isaga oo dowladii madaxweyne Xasan Sheekh ka ahaa wasiirka qorsheeynta.

PUNTLAND POST