PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Golaha Aqalka Sare oo Ka Doodaya Khilaafka Dowladda iyo Maamul Goboleedyadda

Share

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta  kulan ku yeelanaya Magaaladda Muqdisho.

Kulanka maanta waxaa shir gudoomin doona Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi,waxaana looga doodi doonaa Khilaafka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Hogaamiyayaasha Maamul Gobolleedyada.

Xildhibaan ka Tirsan Golaha aqalka Sare oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ee Muqdisho ayaa sheegay in qodobkaan ay soo gudbiyeen xildhibaano ka Tirsan aqalka Sare islamarkaana maanta ay xildhiabanada ka doodi doonaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa Madaxda Maamul Gobolleedyada isugu yeeray 28-ka Bishaan in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya si Khilaafka jira loo Xaliyo.

PUNTLAND POST

1 comment

  1. Madaxda maamulgoboleedyadu waa jabhaddo dowladda burbirin rabba, waxaana haboon in ay shacabkoodu u sheegaan dhaliisha madaxdooda,jabhadda ugu xumina waa SSDF oo hadda ah Puntland,kaa kuwii cabdirashiid cali sharmaake dillay, qarrankii soomali wiiqay,oo jabhadaha ku assaasay,haddana raba dimmuqurradiyadda iftiintay inay burburiyaan.alle haka qabto muslinka,alle haka qabto soomaali.cudurka alle haka qabto muslina soomaaliyeed. wabillaahi tofiiq,..

Leave a Reply