
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay dowladda Shiinaha ka mideysan yihiin siyaasadda madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada dalka “Hal Shiine iyo Hal Soomaaliya ”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Taiwan iyo Israa’iil ay khatar ku yihiin jiritaanka iyo madaxbannaanida dalka & dalka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in Shiinuhu yahay saaxiibka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan shalay ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu dhagax-dhigay jaamacad ciidan oo ay maalgelinayso dowladda Shiinaha.
Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan sheegtay in ay Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, sidaasi oo kalena ay Taiwan tahay qayb ka mid ah Shiinaha.
PUNTLAND POST