
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaantay go’aankii uu madaxweyne Xasan Sheekh xilka uga qaaday guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed.
Maxkamadda Sare ayaa bayaan ay soo saartay waxay ugu baaqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu ku dhaqmo dastuurka dalka, ilaaliyana madaxbannaanida hay’adaha garsoorka iyo sarraynta sharciga.
Dhanka kale, Maxkamadda Sare ayaa go’aan ka soo saartay dacwaddii dastuuriga ahayd ee u dhaxaysay madaxweyne hore Sheekh Shariif Axmed iyo hay’adaha dowladda federaalka.
Maxkamadda Sare waxay sheegtay in madaxweynaha dowladda federaalka iyo labada gole ee baarlmaanka uu xilku ka dhamaaday, muddada xil hayntoodana ahayd afar sano.
Sidoo kale waxay xustay in xukuumadda federaalka ay tahay cidda keliya ee leh awood xilgaarsiin oo ku kooban shaqooyinka maalinlaha.
Maxkamadda Sare ayaa fartay dhinacyada ay qusayso doorashada in ay muddo 30 berri gudahood ah ku gaaraan heshiis wadar ogol ah, islamarkaana ay 90 berri gudahood ku qabtaan doorashada.
Hoos ka akhari bayaanka iyo go’aaanka Maxkamadda Sare.







PUNTLAND POST