
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gudoomiyay shir aan caadi ahayn oo la sheegay in looga hadlay xaaladda amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo waxaa ka qeybgalay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eeley iyo taliyeyaal ciidan oo ka tirsan Federaalka & Koonfur Galbeed.
Shirkan wuxuu yimid, iyada oo Aadan Madoobe uu wajahayo culeys siyaasadeed iyo mid amniga oo xilligan ka taagan deegaannada maamulka Koofur Galbeed.
Cabdicasiis Laftagareen oo 30 Maarso, 2026 xoog looga saaray magaalada Baydhabo ayaa weli sheegta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo ciidamo taageersan ay dhawaan la wareegeen degmooyinka Qansaxdheere, Buurhakaba, Bardaale iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bay.
PUNTLAND POST