Dowladda Federaalka oo digniin u dirtay mucaaradka

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa uga digay siyaasiyiinta mucaaradka in ay abaabul ciidan iyo falal wax u dhimaya amniga Muqdisho.

Fiqi ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo gacanteeda u taagta waxyeelleynta amniga Muqdisho, isagoo si gaar ah uga digay in siyaasiyiinta mucaaradka ay abaabulaan maleeshiyaad.

“Nimanka mucaaradka ah haddii ay abaabulaan maleeshiyaad, gacan bir ah ha lagu qabto” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in amniga uu yahay arrin qiimo weyn leh, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay ku bixisay naf iyo dhaqaale badan sidii loo sugi lahaa.

“Amniga oo walaal qaali ah ku weynay ayaa 4 milyan oo lacag ah oo fudud lagu soo qadanayaa. Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo gacanta u soo taagta in ay amniga dhibaatayso” ayuu yiri wasiir Fiqi.

PUNTLAND POST