“Cabashiyo caloolyow ciil kaama bi’iyaan, talo cayn-wareegtana la iskuma canaantee, caqli iyo hubsiimaa cirib looga aayaa” — ereyadii Cabdillaahi Cabdi Cilmi (Shube), ereyo ka mid ah hees uu qaaday Maxamed Saleebaan Tubeec.

Garoowe (Faallo PP) — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka mid yahay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo xubnihiisu ku midaysan yihiin oo keliya inay ka soo horjeedaan muddo kororsiga Labada Aqal u sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo xileedkeedu dhammaaday 15kii Maajo 2026.
Mowqifka Madaxweyne Deni wax badan kama duwana mowqifkiisii 2021-2022 uu kaga soo horjeeday maamulkii Madaxweyne Farmaajo. Isbahaysigii uu Deni ka mid ahaa wuxuu burburay kaddib markii la doortay Madaxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2022. Waxaa ku xigay in xiriirkii Deni iyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu xumaaday dhammaadkii 2022, xiriirka Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalku uu joogsaday sanadkii 2023.
Xiriirka go’ay waxay Puntland ku waysay deeqo horumarineed oo badan gaar ahaan kuwa ku saabsan habka maaliyadda federaalka oo faraya Puntland iyo maamul federaaleedyada kale inay soo gudbiyaan dakhliga soo gala, hab maaliyadeedkoodana ay waafajiyaan kan Dowladda Federaalka Soomaaliya (fiscal federalism).
Go’aammada Puntland ay xiriirka ugu jartay Dowladda Federaalka waxay ahaayeen go’aammo wadatashi u baahnaa. Markii labaad taariikhda Puntland waxaa dhacay wadatashi la’aan dib u dhac siyaasadeed iyo dhaqaale u keenay Puntland. Dib u dhicii kowaad wuxuu dhacay markii Madaxweyne Faroole qaatay in dalka laga saaro ku meelgaarka isagoo u malaynayay in isbeddelkaasi sababi doono in habka federaalku si habsami leh uga wada hirgalo Soomaaliya. Waa lagu guuleystay dhanka dhisidda maamuulo federaaleed, hase ahaatee awooddu waxay tan iyo 2012 ku urursan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Isbahaysiyada Puntland ay ka mid ahayd 2012 ilaa 2022 waxay ahaayeen kuwo ku salaysnaa isku-danaysi. Maamulka Jubaland wuxuu 2016 heshiis doorasho la gaaray Dowladda Federaalka xilli Puntland diiddanayd habka 4.5.
Sanadkii 2022 kaddib doorashadii dhacday 15kii Maajo 2022, Jubaland waxay aad ugu dhowaatay Dowladda Federaalka Soomaaliya kaddib kala fogaanshihii Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa xusid mudan in hadda Jubaland ka mid tahay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo xubnaheedu aysan maamulin.
Puntland iyo Jubaland waxaa Muqdisho looga arkaa maamulo fursado hoggaamineed siiya kooxo sida Damuljadiid iyo Aala Sheekh. Weyddiintu waa: yaa ka fekera danaha Puntland marka isbeddel siyaasadeed heer federaal ah inuu dhaco loo ololaynayo?
Isbedbeddelka Deni
Madaxweyne Deni wuxuu sanadkii 2023, markii uu xiriirka u jarayay Dowladda Federaalka, ku dooday inuu ku soo noqon doono Golaha Wadatashiga keliya haddii maamulka Somaliland uu ku soo biiro Golaha. Doodda Deni inay saxan tahay waxaa la ogaaday dhowr jeer: markii uu dhacay dagaalkii Laascaanood ee 2023, markii Muuse Biixi isku dayay inuu bad ka kireeyo Itoobiya 2024, iyo markii Israa”iil ku xadgudubtay qarannimada Soomaaliya oo aqoonsatay maamulka Somaliland bishii Diseembar 2025. Deni wuxuu ku doodaa inuu xiriir la leeyahay maamulka Somaliland; xiriirkaasi wuxuu burburay markii Deni booqday Badhan sanadkan si uu u beeniyo sheegashada maamulka Somaliland inay ka taliso Badhan. Booqashadaas waxay sababtay in UK Lawyers for Israel (UKLFI) ay joojiyeen ololihii markii ay ku doodayeen in ku xadgudubka qarannimada Soomaaliya aysan sharcidarro ahayn. Alexander, oo ah Bare-sare oo Sharciga Caalamiga ka dhiga Jaamacadda Birmingham, ayaa ku dooday in shuruudaha Montevideo aysan “taageeraynin isku dayga in lagu tilmaamo ama Dal loo aqoonsado Somaliland”. Wuxuu intaas ku daray in “qarannimadu ay tahay su’aal sharciyeed oo aysan ahayn su’aal ku saabsan waxa jira (“a question of law, not of fact”) iyo in mudnaanta la siinayo midnimada dhuleed iyo faragelin la’aanta.” Wuxuu halkaas ka saaray dooddii maamulka Somaliland oo ku salaysnayd “dhulka annaagaa maamulna” (facts on the ground)” ka hor dagaalkii Laascaanood.
Dagaalkii Laascaanood ee 2023 oo dhacay xilli ay doorashooyin degmooyinku ka dhacayeen Puntland iyo hawlgallada ka dhanka ah Daacish, oo socda ku dhowaad 2 sano, waxay muujiyeen awooda Puntland. Puntland, oo ah maamul beelaha Hartigu samaysteen sanadkii 1998, waxay aqoonsatay maamulkii SSCK, oo la ballaariyay sanadkii 2025 isuna beddelay Maamulka Waqooyi Bari.
Maamulka cusubi wuxuu ka kooban yahay Sool, Sanaag iyo Togdheer oo ka mid ahaa lixdii gobol oo lagu asaasay Puntland (seddexda kale waa Mudug, Nugaal iyo Bari). Ka hor asaaskii Waqooyi Bari, Puntland, oo lix gobol ka koobnayd, ayaa la saameyn iyo wax-la-qeybsi ahayd maamul federaaleedyada kale oo ka kooban Gobol iyo bar, labo ama seddex gobol. Asaaskii Galmudug ayaa jebiyay qodobka ku jira Dastuurka Soomaaliya oo qoraya in labo maamul oo buuxa ay noqon karaan maamul federaal xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Federaal-doonnimada iyo Federaal-diidnimada Puntland
Madaxweyne Deni wuu og yahay in habka federaalku yahay aragti ay beesha Hartigu ku soo biirisay siyaasadda Soomaaliya, si la mid ah sida Isaaqu ula yimid aragtida doonista kala-goynta Soomaaliya. Dastuurka Federaalka, oo ay Puntland qoristiisa saameyn weyn ku lahayd, ayaa siiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya awoodo badan sida dhisidda maamullo federaal iyo la wareegista maamulka hawada Soomaaliya.
Marnaba awood-daadeejin kama dhicin Puntland sababtoo ah: awooddu waxay ku urursan tahay xafiiska hadba qofka ah Madaxweynaha Puntland. Waxaa jira awoodo badan oo ka baxsan gacanta Madaxweyne Deni sida bixinta shatiyada kalluumeysiga, oo lacagta ka soo xeroota aysan ku soo dhicin sanduuqa Dowladda Puntland. Deni wuxuu ka hadlay inay jiraan dad reer Puntland ah oo shatiyo siiyay maraakiib jariif ah oo xaalufinta badda Puntland mas’uul ka ah.
Marka la eego isburinta ku jirta sida Puntland ugu qareento habsami u hirgelinta habka federaaka iyo sida awooddu ugu urursan tahay Madaxweynaha Puntland, waxaa lagu doodi karaa in Puntland tahay federaal-doon iyo federaal-diid labadaba. Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Deni waxay sanadkii 2023 ka soo horjeedeen inuu wax ka beddel aan la isku raacsanayn ku sameeyo Dastuurka Puntland, waana dood la mid ah doodda Deni qabo marka uu ka soo horjeedo wax ka beddelkii lagu sameeyay Dastuurka Soomaaliya ku dhowaad sanad ka hor.
Sida ugu wanaagsan oo uu Madaxweyne Deni kaga badbaadi karo in xubnaha Golaha Mustaqbalku ku guuraan waa inuu shir wadatashi oo dhab ah u qabto saamileyda Puntland.
Puntland waxay ka horjeedday in cunaqabataynta hubka laga qaado iyo in deyn cafin loo sameeyo Soomaaliya. Puntland waxay ku hungowday labada ujeeddo. Waa in Madaxweyne Deni muujiyo inuusan ahayn fursad siyaasadeed abuure ay saamileyda siyaasadda ee Muqdisho ku tashanayaan.
© Puntland Post, 2026