Danjire Cawil: “Daarood ayaa nooga gacan-qabow Hawiye”

Danjire Cawil (dhexda) wuxuu intii waraysigu u ekaa bare muxaadaro u jeedinaya Cabdinuur (bidixda) iyo Cabdikariim Cali Kaar (midigta).

Boosaaso (Faallo) — Danjire Xuseen Cali Ducaale (oo loo yaqaanno Danjire Cawil),  wuxuu waraysi siiyay Geed-fadhi. Qiimeyntii degdegga ahayd ee waraysiga oo ay dad badan oo reer Hargeysa ahi sameeyeen waxay ahayd sidan: “Cawil wuu la garnaqsaday Hawiye.” Cawil da’diisu waxay kor u dhaaftay 84 sano (waa suurtaggal inuu dhashay 1939 ama 1940. Markii uu ka mid ahaa kooxdii fulisay inqilaabkii kowaad oo dhicisoobay sanadkii 1961, Cawil da’diisu kama yarayn 20 sano. 65 sano ayaa laga joogaa inqilaabkaas fashilmay.

Maasha Allah, xusuustiisu way wanaagsan tahay marka la eego sida uu ugu soo celiyay dooddiisii ku saabsanayd Jeneraal Da’uud Cabdulle Xirsi, mar Cawil waraysi bixiyay dad badani u arkeen inuu sasabanayay Madaxwyne Farmaajo oo xilka hayay. Waraysigaas ayuu Danjire Cawil amaan aan xad lahayn ugu miisay Jaalle Siyaad oo 1961 ahaa taliye ku xigeenka Xoogga Dalka.  

Meel-ka-dhac

Danjire Cawil wuxuu ku dooday in Daarood uu u gacan-qabow yahay Isaaq marka la eego “sida Madaxwyne Xasan Sheekh ula dhaqmay Isaaq.”

Danjire Cawil wuxuu ka dhigay beeshiisa beel lagu durduriyo oo kala dooranaysa nabarka Daarood ama nabarka Hawiye u geysto beesha Isaaq. Wuxuu kale oo Danjire cawil “garac” ku tilmaamay Jaamac Maxamed Qaalib markii Cawil ka hadlayay hadal uu sheegay in Cigaal uu ku yiri Qaalib, oo uu Cawil u xigtay sidan: “Ma la hubaa inuu aabbahaa ku dhalay.” Intaas kuma harin Cawil, wuxuu sheegay in Jaamac Maxamed Qaalib hooyadiis ay Warsangeli ahayd. Geed-fadhi marmar wuxuu noqdaa gole-ceebeed-fadhi.

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan wuuxuu caan ku ahaa dhowrista dastuurka Soomaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu qanciyay inuusan tagi karin Hargeysa iyo inuu u arko maamulka Somaliland maamul siyaasad ahaan la heer ah Taiwan oo ah dhul uu ka taliyo maamul sheegta inuu dal gaar ah yahay. Hadda arrimmuhu way isbeddeleen. Madaxweyne Xasan wuxuu xukumaa hawada Maamulka Somaliland sheegto. 

Dowladda Federaalka Soomaliya markii uu socday dagaalka Laascaanood waxay qaadatay labo mowqif oo midna ay si hoose ugu taageeraysay maamulka Somaliland, midna ay si cad uga hor timid beentii Muuse Biixi sheegay markii uu ku dooday in Al-shabaab ay ku sugan tahay Laascaanood.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Ibraahiim Cigaal wuxuu ra’iisal wasaare noqday kaddib markii Muuse Boqor ka dhaadhiciyay Cabdirashiid in Cigaal ku habboon yahay jagadaas.

Siyaasiyiinta Hawiye waxay Hargeysa u arkayeen raasamaal doorasho had iyo jeer ay Muqdisho ka faa’iiddo, halka siyaasiyiinta Isaaq isu soo dhowaanshahaas u fasiranayeen tallaabo Muqdisho ku qireyso in maamulka Somaliland goosasho xaq u leedahay. Labadaas aragti waxaa meesha ka saaray dagaalkii lama-filaanka ahaa ee Laascaanood ee 2023 oo sababay in Hartigu si dabiici ah u noqday xoogagga difaacaya qarannimada Soomaaliya kana soo horjeeda kala-goyta Soomaaliya.

Faan siyaasadeed

Jeneraal Da’uud ma ahayn taliye lagu yiqiin eex, laaluush ama neceyb uu u hayay dad gaar ah.

Danjire Cawil wuxuu kale oo ku dooday in Muuse Igarre uu 10,000 oo hub u keenay beesha Habargidir si ay ula dagaallamaan Suldaan Cali Yuusuf oo xaruntiisu ahayd Hobyo. Meelna laguma hayo magaca Muuse Igarre oo hub u geeyay Habargidir. Waxaa Hobyo isku haystay Talyaani iyo Imbaradooriyaddii Biritishka oo iska kaashanay Suldaan Cali Yuusuf oo ay ku eedeeyeen inuu diiddaanaa in dhulka uu maamulo laga soo weeraro Daraawishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Dulliga uu Cawil ku faanayo waxaa gabay ka tiriyay Xaaji Aadan Afqallooc markii la dilay Sheekh Bashiir. Gabayga tuducyadiisa waxaa ka mid ahaa:

Duhur baa Bashiir lagu shannaqay daar agtiinna ahe

Damal la hadh galaa bay jebsheen waqay dulloobaane

Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene

Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban

Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide

Dacsad iyo ihaaniyo cag baa loogu sii daraye

Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey

Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna

Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene

Ma damqane jidhkiinnii kolkaa waad ku digateene

Nasab haddaad Durriyaddii tihiin kama dareerteene.”

Dhegeystayaal dheygagsan

Kooxda Geed-fadhi waxay u dhaqmeen sida arday dhegeysanaysa muxaadaro uu Danjire Cawil jeedinayay. Tusaale, waxay su’aali kareen sababta uu u doonayo in xusuustiisa loo arko taariikh la isku hallayn karo marka uu ku tilmaamayo Jeneraal Daa’uud taliye necbaa Isaaqa, markuu caynayay Jaamac Maxamed Qaalib oo mootan oo ay dhowr iyo labaatan sano ka hor ay qoraallo iskugu jawaabeen.

Maxamed Siyaad Barre wuu ka gaabsaday ka hadalka maxkamadayntii ku socotay dhallinyaradii uu ka mid ahaa Danjire Cawil oo uu inqilaabkii 1961 ka fashilmay.

Danjire Cawil wuu og yahay in reer Waqooyigu beelo-beelo u abaabulnaayeen oo odayaashu ku maamuli jiren habkii Xukunka Dadban (Indirect Rule) si dadka la gumeysanayo (subjects) aan loogu maamulin Xeerka Guud (Common Law). Xukunka Dadban wuxuu sababay in xisbiyo sida SYL oo kale aysan ka hirgelin Waqooyiga. Reer Waqooyigu ma lahayn siyaasiyiin la heer ahaa Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Aadan Cabdulle Cismaan, Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Sheekh Mukhtaar.

Gérard Prunier, oo ah taariikhyahan Faransiis ah aad u taageera kala kala-goynta Soomaaliya, markuu gorfaynayay buugga Danjire Cawil (Search for a new Somali identity), wuxuu la yaabay sida qoruhu marba mowduuc ugu boodayo. Tusaale cutubka ku saabsan gefefkii ururkii USC sameeyay 1991kii, Prunier wuxuu ku dooday in Danjire Cawil seddex bog kaddib u booday faallaynta taariikhda Hawiyaha sanadkii 1920kii. Horta Danjire Cawil, oo wixii ka horreeyay 1991 la safnaa taliskii Siyaad Barre, yaa u oggollaaday inuu ka hadlo taariikhhda Hawiye ama ururkii USC isagoo Isaaq ah kuna abtirsada siyaasad ahaa ururkii SNM? Waa su’aal ka mid ah su’aalaha ay kooxda Geed-fadhi hareer-mareen.

Isla waraysiga Geed-fadhi, Danjire Cawil markuu ka hadlayo sidii ay u dhacaysay maxkamadayntii dhallinyaradii uu ka mid ahaa oo ka dambeeyay afgambigii dhiciisoobay ee 1961, Danjire Cawil wuxuu u booday inuu ka hadlo markii kowaad uu la kulmay Jeneraal Daa’uud. Waxa uu qoro waxay ku salaysan yihiin xusuustiisa iyo xumaan-la-jeclaanta beelaha uu arko inay la loollamaan beeshiisa. Waxaan u arkaa inuu yahay oday jecel inay colaad joogto ah ka jirto Muqdisho si  doodda goosasho-doonku u meelmarto!

© Puntland Post, 2026