Suldaan Cabdiqani Qorane iyo Xusuustiisa Colaaddii Qoriley

Waa in Suldaan Cabdiqani Qorane raalligelin siiyo Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid

Suldaan Cabdiqani Qorane wuxuu u sheegay Geed-Fadhi in Garaad Jaamac Garaad Cali inuu kala shaqaynayay Galaydh inuu la heshiiyo maamulka Somaliland.

Laascaanood (Faallo PP) — Dhowr maalmood ka hor Suldaan Cabdiqani Qorane wuxuu wareysi siiyay Geed-Fadhi. Waraysiga wuxuu kaga hadlay arrimmo kala duduwan, hase ahaatee faalladan waxay diiradda saaraysaa sida Suldaanku u xusuustay kulammo uu sheegay inuu la yeeshay Cali Khaliif Galaydh, Garaad Jamaac Galaard Cali iyo Jaamac Cabdilaahi Caydiid oo mar ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay .Turkiga. Kullammadaas waxay horseedeen in Suldaan Qorane, sida uu sheegay, uu la kulmay Madaxweynihii Puntland Cabdullahi Gaas. Ujeeddadu kulanku waxay ahayd in la heshiisiiyo maamulkii Khatumo uu Galaydh hoggaaminayay iyo maamulka Puntland. Ma seddex nin oo isku jifo ah ayaa beel siyaasad ku metelayay?

Waxaa xusid muda in Wasiirkii Warfaafinta ee Puntland  Axmed Sheekh Jaamac markuu bishii Janaayo 2014 xilka wareejinayay ugu baaqay maamulka Gaas inuu sii wado wada-shaqaynta Puntland kala dhexeysay Khaatumo. Khaatumo inay sannadkii 2012 xildhibaanno ku yeelato Baarlamaankii Federaalka waxaa sababay tanaasulkii uu Madaxwyne Faoole sameeyay bartamihii 2012 isagoo taageerayay sharciyaddii bulsho ee shirkii Taleex oo Khaatumo lagu asaasay dhammaadkii 2011.

Suldaan Qorane waajib wuxuu ka saarnaa inuu la xiriiro labada qof oo nool hadda oo kala ah Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Danjire Jaamac si uu uga hubiyo in xusuustiisa iyo xusuustooda ku saabsan kullammada uu Suuldaanku sheegay ay is waafaqsan yihiin. Xiriirkaas wuxuu ka badbaadin lahaa Suldaan Qorane inuusan meel ka dhac geysanin iyo inuusan oggolaansho la’aan u bixinnin xogta kulammadaas gaarka ah.

Suldaan  Qorane wuxuu sheegay in siyaasiyiin Dhulbahaante ah oo maamulka Puntland xilligaaas ka tirsanaa ay u sheegeen in Galaydh, Garaaad Jaamac Garaad Cali iyo Danjire Jaamac  doonayaan inay ku biiraan maamulka Somaliland. Suldaan Qorane wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Cabdiweli Gaas oggolaaday kulanka haddii seddexda nin ay ka doonaynin wax aan ahayn inuu warqad ugu qoro “si ay ugu biiraan maamulka Somaliland.”

Senator Cabdiraxmaan Faroole wuxuu horseed ka noqday daminta colaaddii Qoriley.

“Markii Cali Khaliif ku biiray [maamulka} Somaliland [2017] ayay nimankii Dhulbahante oo joogay Garoowe iga gar-heleen” ayuu Suldaan Qorane u sheegay Geed-Fadhi. Marnaba Garaad Jamaac Garaad Cali iyo Danjire Jaamac may taageerin heshiiskii Galaydh magaca Khaatumo kula saxiixday Madaxweynihii maamulka Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo.

Suldaan Qorane hadal sumacad-dilis ah oo aan sal iyo baar toonna lahayn ayuu Geed-Fadhi iyo daawadayaashooda la wadaagay. Wuxuu Suldaanku gebi ahaanba meesha ka saaray dagaalkii Bahararsame iyo Cumar Maxamuud ku dhexmaray Qoriley sanadkii 2015. Miliishiyo beeleed Cumar Maxamuud ah (beesha uu Suldaan Qorane ku abtirsado) ayaa rag badan oo Bahararsame ah ku laayay Qoriley.  Waxay ka falcelinayeen weerar nin Bahararsame ku tirsanaa, oo iskiis colaad u aloosaay, uu ku dilay rag Cumar Maxameed ku abtirsada.

Nabadayntii uu Senator Faroole abaabulay

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ‘Faroole’ ayaa si adag uga hadlay colaadda kuna dhaliilay maamulka Puntland inuu xakamayn waayay miliishiyo beeleedka weerarka ku qaadday Qoriley kuna hayb ah Madaxweyne Cabdiweli Gaas. Senator Faroole wuxuu aamminsan yahay in shaqada kowaad oo Madaxweyne Puntland qabanayo tahay ka hortagga in miliishiiyada beeshiisa oo ku hubaysan hubka maamulka ay weeraraan beelo kale.

Garaad Jaamac Gaarad Cali marnaba ma taageerin qorshe ay siyaasiyiin ugu biireen maamulka Somaliland sanadkii 2017.

Shir ayuu Senator Faroole abaabulay sababay in Bahararsame iyo Cumar Maxamuud si niyadsami leh u heshiiyeen. Shirkaasi wuxuu qabsoombay 2015, shirkar kale oo sii xoojinayay heshiiskana way dheceen. Madaxwyne Gaas sumcad u kala eexasho la’aanta beelaha Puntland ayuu lahaa; wuuba u darnaa beeshiisa Cumar Maxamuud marka la eego sida uu ugu ad-adkaa. Labadan sababood waxay fududeeyeen in colaaddii Qoriley la xakeemayay lagana heshiiyay.

Nin Habari Dhashay Hal Ma Seegi Waayo

Dooddu ma aha in Suldaan Qorane been sheegay. Waa in Suldaanku waxa loo sheegay uu rumeystay kaddibna uu labo qof (Garaad Jaamac Garaaad Cali iyo Danjire Jaamac) ku eedeeyey inay fulinayeen hawlo lid ku ah qarannimada Soomaaliya, sidoo kalena ay hoosaasinayeen Hartiga guud ahaan. Waa eedeyn uusan Suldaanku u haynin wax caddayn ah.

Dr Cali Khaliif Galaydh wuxuu la heshiiyay maamulka Somaliland 15 bilood kaddib markii Puntland ay la wareegtay metelaadii heer federaal oo ay Khaatumo lahayd tan iyo 2017.

Xiriirka Khaatumo iyo Puntland wuxuu aad u xumaaday wixii ka dambeeyay Febraayo 2016 markii Madaxwyne Gaas ku adkaystay in Puntland u soo xuli doonto xildhibaannada iyo senetarrada heer federal si ku salaysan Cahdigii Puntland 1998 lagu asaasay. Taasi waxaa macnaheedu uu noqday in Khaatumo weysay soo xulista shantii xildhibaan ay soo xushay 2012 markii heshiis uu dhexmaray Galaydh iyo Faroole. Sanadii 2022 Madaxweyne Siciid Cabduulaahi Deni ayaa soo xushay xildhibaannada iyo Senetarrada SSCK.

Saamaynta Dagaalkii Laascaanood

Go’aankii Gaas kula wareegay soo magacaabista xildhibaannada SSC wuxuu meesha ka saaray maamulkii aan la aqoonsanayn ee Khaatumo (Saaxdheer) oo uu Galaydh hoggaaminayay. Waqtigaas Laascaanood waxay ku jirtay gacanta maamulka Somaliland. Dagaalkii Laascaanood ee sanadkii 2023 ayaa gebi ahaanba beddelay siyaasadda Soomaaliya iyo juqraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika.

Dr Cabdiweli Gaas si hagar la’aah ah ayuu ugu duubtay in heshiis la dhexdhigo beelihii ay Qoriley colaaddu ku dhexmartay.

Waxaa intaas dheer, in Suldaan Qorane ku dooday in Dhulbahante uu kala qeybsan yahay, qaarkood taageersan yihiin maamulka dowladda federaalku aqoonsan tahay ee Waqooyi Bari, qaarna maamulkii SSCK. Markii Suldaanka la weyddiiyay sida uu arko in Deni heshiis la gaaray maamulka Somaliland, Suldaanku wuxuu isku meel dhigay maamul xiriir la leh dowladda fedeaalka Soomaaliya iyo maamul xitaa Suldaan Qorane u arka inuu Ajnabi ku yahay Laascaanood, iskaba dhaaf Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay xiriirka Puntland iyo maamulka Somaliland wuxuu si cad u yiri :”Somaliland danaheeda way raacan kartaa”. Garaad Cabdullahi Garaad Soofe wuxuu hadalkaas kaga jawaabay: “Waqooyi Bari [oo markaas ahayd SSC] waxay idinkaga gudban tahay weerar Puntland kaga iman karay maamulka Somaliland.”

Buurmadow lagu soo dhoweeyay Garoowe ka sokow in Buurmadow ku dooday in Garaad Jaamac Garaad Cali hooyadiis ay gogol-dhaaf samaysay iyo in Garaad Cali Garaad Jaamac uusan ahayn aabbaha Garaad Jaamac Garaad Cali. Suldaan Qorane wuu og yahay in Buurmadow galay mid ka mid ah toddobbada dambi ugu waaweyn marka la eego diinta Islaamka. Qofka uu dambigaas ka galay waayo Suldaan Qorane ina adeertiis ah.

Dagaalkii Laascaanood markuu socday Puntland waxay sheegtay inuusan dagaaal kala dhexeynin maamulka Somaliland. Deni wuxuu ku celceliyay in beelaha Hartigu isu gurmanayaan oo uusan waxba ka qaban karin. Puntland waa maamul beeled qeyb siyaasadeed iyo qeyb tol kala leh. Qeybta tolka ayaa had iyo jeer ka weyn qeybta siyaasadda waayo siyaasigu wuu tagayaa.

Markii sanadkii 1993 Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyihii Xaaladda Degdegga ee ururkii SSDF, heshiis Muqdihso kuka saxiixday Jeneraal Maxamed Faarax Cayniid, heshiisku wuxuu dhigayay in SSDF iyo USC ay metelaan beelo kuna heshiiyeen nabad ku wada noolaansho. Heshiiska Deni la galay Cirro ma aha sida kii Caydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf ay kala saxiixdeen dhowr iyo soddon sano ka hor.

Way fiicnaan lahayd Suldaan Cabdiqani Qorane inuu la noqdo hadalladii uu la wadaagay Geed-Fadhr. Waa inuu raalli-gelin siiyo Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Danjie Jaamac Cabdullaahi Caydiid. Maanta Cali Khaliif Galaydh qof is difaaci kara ma aha.

© Puntland Post, 2026