Kor u qaadidda dhaqanka iyo wax-barashada dhallinta Soomaalida ee Minnesota! Q. 1-aad

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Mareykanka qaxootinimo baan ku nimid waana laynagu soo dhoweeyay!

Minnesota waa gobolka ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee shacabka Soomaaliyeed ee u soo haajiray dalka Maraykanka, waxaana lagu sheegaa 100 kun ilaa 107 kun mujtamac gaaraya oo Soomaali ah inuu deegaan u yahay oo lagu soo dhoweeyay. Mujtamaca intaas la eg, waxay runtii soo dhoweyn iyo qaabilaad aad u wanaagsan ay ka haleen isla mar ahaantaasna fursadaha nolosha la qaybsadeen guud ahaan dadkii Maraykanka ahaa ee ay u yimaadeen iyo gaar ahaan shacabka gobolka Minnesota ee ay ku soo dageen. Soomaalida ku dhaqan Minnesota, waxay iyagana noqdeen dad is xil qaama laguna tilmaami karo inay kaalintoodii ka soo baxeen, marka laga eego dhaqsaha kobaca ay sameeyeen, xagga bulshada, wax-barashada, shaqada, iyo fahamka dhaqanka dalka, waa suuro gal in weli waxyaabo badan ay tebiyaan marka ay timaado baahidooda gaarka ah ee la xiriirta, dhaqankooda, iyo nidaamkii nololeed ee ay ku soo koreen, ama ay ka yimaadeen ee dalkoodii, iyadoo waliba ay ku dadaaleen inuusan lumin qaab nololeedkoodii ku dhowaad nus qarni oo ay hadda joogaan, taasoo marka aad fiiriso magaalooyinka ay kaga noolyihiin Gobolka Minnesota aad ku arkayso  xusul-duubka iyo dadaalka ay ugu jiraan arrinkaas, iyagoo dhinnaca kalana nolosha la qaybsaday dadka soo dhoweeyay. Waxaa qasab ah meel walba oo bulshada joogto inaad ku aragto ama aad ka heleyso, misaajiddo, maqaayado cunto Soomaali lagu sameeyo, dugsiyo qur’aanka ilmaha loogu dhigo, dukaamo dharka ama cuntada lagu iibinayo ay yihiin kuwii Soomaalidu lahayd.

Waxaa iyadana xusuid mudan in wax barashada caamka ah ee dalka ka jirta ay qayb ka yihiin oo ilmaha ay aadaan iskuullada dad-weynaha, (public school) waxaa kale oo  jira iskuullada dad-weynaha ee madaxa bannaan (public charter schools) oo iyaguna ah qayb kale oo ka mid ah iskuullada dad-weynaha oo loo oggolaaday inay furtaan, laakiin ku shaqeeya heshiis shaqo oo gaar ah, heshiisyadaas oo u oggolaanaya madax bannaani ay muhaajiriinta ay Soomaalidu ka midka tahay ay ku maamulaan waxyaabaha qarkood sida manhajka iyo qaabka wax-barista ilmaha, taasoo markaas xoogaa suuro gal ka dhigta in bulshooyinka soo haajiray ama laga tiro badanyahay ay helaan hab ay ku ilaashadaan inta awoodooda ah aqoonsigooda ummadeed iyo dhaqankooda.

Waxaa arrin lagu faani karo ah in badan oo ka mid ah dhallin-yarada mujtamaca Soomaliyeed ee qaxootinimmada ku yimid dalka Maryakanka inay waalidiintu kula dadaaleen inay ilmaha baraan diintooda iyo dhaqankoodii wanaagsanaa ee hiddihii awoowayaashood, hasa ahaatee mar kasta arrintaas waxay ahayd mid u baahan dadaal dheeri ah iyo in xoog badan la gesho, taasi macnaheedu ma aha in waalidku ka gaabiyay ama aysan gelin muruq iyo maskax, waxaase jira cadaadisyo dhowr ah oo is biirsaday oo arrintaas inta badan dib u dhac ku haya, sida; nidaamka shaqada iyo shaqaalaha, oo waalidiinta badankood dakhliga ay ku tiirsanyihiin uu ka yimaado shaqo ay ka qaataan mushaar, in badan oo ka mid ahna ay ka shaqeeyaan ama qabtaan shaqooyin mururq-maal oo ay addimmadooda isticmaalayaan, taasna waxaa ka dhasha in dadaalka waalidku uusan la socon karin xawliga ay xaalladaha baahiyada ilmaha gaarsiisanyihiin, iyo inuusan helin waqti ku fillan baahida waalidnimo ee uu ilmuhu dareemayo, ama koriimo ahaan ay tahay inuu waalidka wax ka barto.

Arrinta kale ee iyadana saameynta weyn leh waxay tahay wax-barashada maadiga oo intii badaneyd waqtiga maalinimo qaadata, isla mar ahaantaasna sabab u noqotay inaan waqti ku filan loo helin dugsiga qur’aanka, iyo kullano bulsho oo qabsooma ama qoysku uu helo waqti  ku fillan si uu sheeko u wadaagi karo iyadoo waliba wax-barashada maadiga ah ay tahay mid qasab ah oo ilmaha aan laga reebi karin ama uusan diidi kareyn ilaa uu dugsiga sare ka dhameeyo, waxaana mararka qaarkood dhacda in ilmo diiday inay iskuulka aadaan lagu qoro ciidamo booliis ah oo subax kasta iskuulka geeya. Waxaa xusid mudan in dalka laga dhaqan geliyay 2002-2015kii, Qaynuunka ahaa No Child left behind ma jiro ilmo gadaal lagu dhaafayo! Sidaasoo kale waalidiinta Soomaaliyeed waxay dadaal weyn ku bixiyeen in ilmaha aysan ka harin wax-barashada maaddiga ah, waxayna gaarsiiyeen heerarka ugu sareeya ee heer jaamacadeed, waxaana Alle mahaddii ah in maanta laga helayo dhallin-yarada bulshada Soomaaliyeed qaybaha kala duwan ee bahda aqoonta. Arrintan ayaa waxaa inta badan suuro geliyay xil-kasnimmadaiyo dhaqanka wanaagsan ee aabbaha iyo hooyada Soomaaliyeed iyo soo dhoweynta nidaamka siyaasadeed ee wax-barashada Maraykanka ee ay qaybta ka yihiin.

Kaalinta wanaagsan ee dugsiyada qur’aanka, iyo dadaallada misaajidda!

Marka aad eegto kaalinta uu dugsiga qur’aanka ku jiro iyo meesha uu u buuxiyay ilamaha Soomaalida ah ma aha mid aad qiyaastaada iyo malahaaga oo keliya aad ku cabbiri karto, toddobaadkii waa labo maalin oo keliya, saacad ahaanna waa 6saac. Macallimiinta dugsyada qur’aanka dhiga, waxaa la oran karaa 85% wax ku dhow bay ku guuleysteen inay ilmaha yar ku ilaaliyaan dhaqanka wanaagsan, waxaana intaas dheer oo aysan dad badan fahamsaneyn ilmaha joogistooda dugsiga saacadahaas kooban ee todobaadkii oo dhan mar keliya ah, marka laga reebo barashada qur’aanka iyo diinta oo iyagu ah muhiimadda dugsiga loo geeyay, waxay ilmaha kullanka ay iyaga kulmayaan ka helayaan inay dareemaan jiritaanka mujtamac ahaan iyo nuxurka bulshanimo ee ay baahidiisa qabaan si ka duwan marka ay joogaa iskullada iyo munaasabadaha iyo meelaha fagaarayaasha ah. Waxaa dhanka kale ilmuhu baranaya dhaqan Islaami ah, oo ku xiriirnaya ardayda kale ee dugsiga dhigata. Waxaa sidaasoo kale ilmuhu ka helayaa dhiiranaan iyo inuu leeyahay mujtamac uu isku haleeyo oo kaalinta uu uga baahanyahay u buuxin kara isla markaasna tirsanaya kaalintiisa, wuxuu yeelanayaa xiriir saaxiibtanimo oo ku tiirsan dhaqankiisa naftiisana kalsooni ay ku qabto oo uu u yaqaan inay aabbihii iyo hooyadii leeyihiin. Waxaana talo wanaagsan ah in dugsiga qur’aanka ilmaha lagu baro qorista iyo aqrinta iyo ku hadalka Af-Soomaaliga, waana arrin sahlan oo la sameyn karo, uga yaraan haddii ardayga la siiyo waqtiyo gaar ah oo ka baxsan xilliga qur’aanka ama hadba sida markaas u haboon dugsigaas.

Dugsiga qur’aanka faa’idooyinka laga helay waxaa laga garan dhaqanka guurka iyo xiriirka dhallin-yarada ka dhexeeya, waxaa laga garan karaa xiriir waalidka iyo dhallinta ka dhexeeya, waxaa laga garan karaa hufnaanta iyo daacadnimmada dhallinta ka muuqda, mararka qaarkood dugsiga qur’aanka waxaa la oran karaa waa naadiga dhallin-yarada ay isku arkaan. Waxaa iyadana xusid mudan in dhaqammadaas aan ka sheekeynay dabeecad ahaan ay ka dhashaan kulummada dhallin-yarada marka ay helaan dabeecad ahaan xaalad midda dugsiga oo kale ah oo dhaqan islaamnimo ah.

Dugsiyada Qur’aanka, waxay kale oo ku ammaananyihiin intooda badan inaysan ardayda agoonta ah ee dhigata ee aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta wax-barashada aysan waxba kharja ah ka qaadin oo lacag la’aan ay wax ku baraan, sidaasoo kalana ay jiraan qoysas dan-yar ah oo iyagana aan ilmahooda waxba laga qaadin, kaalintaas deeqsinimmada ah waxay gacan ka geysatay in si dhib yar oo aan walaac lahayn waalidka uu ilmihiisa ugu helo wax-barashadii uu u baahnaa ee diinta iyo dhaqanka, waxaa iyadana la ii sheegay inay jiraan dad aan badneyn oo ganacsato ah aan helin magacyadooda inay qaar ka mid ah dugsiyada ka kabaan kharashaadka adeegyada.

Ardayda roon-roon waa inay arday sii ahaadaan!

Waa dhibaato wax laga qaban karo, mana aha in ilmihii wax-barashadoodii lagu soo tacbayay ay noqoto Hal Bacaad Lagu Lisay! Sida webiyadii SHabeelle iyo Jubba ay ku soo dhammaato meel aan waxba laga dheefeyn!…Misaajidda iyo Dugsiyada Qur’aanka, waxaa looga baahanyahay in ardayda oo dhan ay muddada ay baranayaan Qur’aanka aysan xaddidin da’da ilmaha, oo ardayga loo oggolaado intii uu doono wato barashada Qur’aanka. Sidaas si la mid ahna aan ardayga dhaqankiisa oo xummaado iyo edeb daro ama dhago-adeyg, iyo inuu is bido inuu weynaaday aan looga eryin dugsiga. Waa laga yaabaa in dugsiyo aan badneyn ay leeyihiin nidaam wax barasho oo da’ kasta oo ka mid ah mujtamaca ay ka helayaan heerka aqoonta ay u baahanyihiin, hasa ahaatee waxaa waalidiin badan dhibaato ku noqotay in ilmaha Dugsiyada Qur’aanka marka ay xoogaa da’dooda soo roonaato waliba iyagoo meel fiican ka soo gaaray barashadii qur’aanka isla markaasna wax-barashadii raba uu dugsiga ku dadaalo inuu ardayga isaga tago dugsiga iyadoo aan si rasmi ah loogu sheegeyn ama aan loola bareereyn. Sida aan ku ogaanay xogaha aan ururinay ayaa waxay cadeynayaan in arrintaas ay tahay xaqiiqo jirta, sababtuna waxay tahay in ardayda qaarkood marka ay soo weynaadaan ay la soo baxaan dabeecado adag oo aysan macallimiinta wax ku bari kareyn sida; inuusan waxba ka maqal macallinka, inuu la murmo, inuu diido wixii uu macallinka faro, taasoo ay ka dhalato baqdin ah inay saameyn ku yeelato ardayda yar-yar oo ay kaga daydaan. Mar haddii uu xaalka sidaas yahay waxaa loo baahanyahay dugsiyada inay ka fekeraan tallaabo kale oo aan ahayn in ardayga marka uu soo weynaado dugsiga laga eryo, tallaabooyin la socon kara sida ardaygu u fekerayo iyo dhaqanka ardayga Maraykanka jooga ama ha ahaado mid qur’aan baranaya ama ha ahaado mid wax kale baranaya, isla markaasna ay la yimaadaan talo iyo siyaasad uusan ardayga dugsiga uga didin dugsigana siinaysa awood u suurto gelisay inuu wax-barashadiisa dhameysto, macallimiintana u sahleysa inay wax baraan.

Waxyaabaha muhiimka ah ee looga baahnyahay inay dugsiyada ka fekeraan si ardayga marka uu soo weynaado wax barashadiisa u wato waxaa ka mid ah in ardayga marka uu soo weynaado, loo abuuro xaalad uu mas’uuliyad ku dareemayo, taasoo la bilaabaneysa marka ay ka soo muuqdaan dabeecadahaas aan horay u soo sheegnay, sida iyadoo marka uu casharka u dhammado isla markiiba loo diro inuu caawiyo ardayda yar-yar, ama laga dhigo Kabiir gacan siiya macallinka. Waxaa sidaas oo kale la soo qaadan karaa nidaamka iskuullada oo ah inuu dugsigu yeesho koox xagga dhaqanka iyo aadaabta qaabilsan, qof arrimaha bulshada qaabilsan (Social Worker) kaasoo marka ardayga uu dhego adeygo ama uu macallinka iyo kooxda dhaqanka iyo adaabta isku soo taago, ama uu ku af celiyo isaga loo geynayo ardayga, kaasoo markaas daraasadeynaya dabeecadaha iyo xiriirka bulsho ee ardaygaas oo uu ku jiro xiriirka uu la leeyahay adayda kale, noloshiisa guriga, haddii ay jirto baahi gaar ah…Waxaa kale oo qasab ah inuu dugsi qur’aanku yeesho La-Taliye ardayda ka la taliya sida uu u baran karo diinta, Qur’aanka, iyo waxyaabaha ka caawin kara (Counsellor) kuwaasoo ay qasab tahay inay yihiin dad u taba-baran shaqooyinkaas oo ay u dheertahay aqoon diineed iyo dhaqan wanaagsan, oo faham qoto dheer u leh dhaqanka ilmaha iyo xaaladaha ku meeran.

Marka ay timaado xagga akhlaaqda iyo adaabta ardayga soo weynaaday ee 15-20 jirka ah looga baahanyahay, si ardaygaas ugu hoggaansamo dhaqanka iyo dabeecada laga rabo dugsiga, oo qur’aanka barashadiisa uu u wato, waa in la helo qof marka hore fahmi kara baahida ardayga, iyo dabeecadaha uu ku barbaaray ee ka dhaadhacsan. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ilmaheena in la baro ay tahay waxaa ugu horeeya Waalid Muxuu yahay?! Marar badan waxaad arkeysaa dad leh, ilmaha ha loo sheekeeyo, waqti ha la geliyo, ha lala socdo, cunto ha la siiyo…. DHammaantood waa taloooyin wanaagsan oo runtii waa kaalin wax ku ool ah, dhinaca kalana ka mid ah xilka waalidka, laakiin waxaa xaqiiqdu ay tahay ilamaha inaysan intaas ku fahmi kareyn macnaha waalidnimmada iyo in loo diyaarinayo sidii ay u yeelan lahaayeen dhaqan wanaagsan oo guntiisu tahay Xil-Kasnimo, sababtu waxay tahay intaas waa inta caruurta Maraykanka ah ay dhaqan ahaan ogyihiin una heystaan in waalid loogu yahay, ama ay tahay xuquuq uu qaynuunka dalka siiyay, oo haddii uusan waalidka u sameyn ay dowladda xil iska saareyso, oo marar badan baa waxaa dhacda in cunuggu uu u dacwoodo macallinkiisa iskuulka “Hooyo waa I caaysay! Aabbe ilama hadlo! Meelaha lagu ciyaaro layma geeyo! Aaabbe xaasid buu igu yahay!” taasi waxay ku tusaysaa ardayga inuusan aqoon macnaha waalidnimo ee dhaqankeena, ee khuseysa xuquuqda waalidka iyo ilmaha, iyo in ilmaha ay tahay inuu baari u noqdo waalidka, iyo inay tahay ilmaha inuu qaan gaaro isagoo kaalinta xilkiisa garanay. Waxaa xusid mudan in ilmaha ay waxyaabo badan ka bartaan iskuulka, ilaa heer gaarsiisan inay turjuman karaan erayada oo waliba kuwooda roon-roon ee iskuullada sare ama xataa dhexe ay qaynuun ahaan u qeexi karaan. Marka qofka Arrimaha Bulshada u qaabilsan dugsiga, iyo midka La-Taliyaha ah, waa inay yihiin dad aad u yaqaan diin ahaan iyo dhaqan ahaan arrimaha qoyska iyo barbaarinta ilmaha, oo ay gaarsiisanyihiin inay diinta ku dabaqi karaan aqoonta maadiga iyo taba-barrada ay ku soo qaateen xirfadahaas.

Waalid

Waxaa xasuus mudan oo in maanka lagu hayo tahay in ilmaha loo macneeyo waalid waxa uu yahay. Waxaa ilmaha loo sheegaa waalidka baari u noqo, laakiin waxaa ka horeysa inuu ilmuhu fahmo oo dugsiga lagu baro macnaha waalid leeyahay, oo looga sheekeeyo dhibka ay hooyadu ka soo martay, sida loo soo koriyay, marxaladaha koriimmadiisa ay soo martay, iyo dadaalka uu waalidku ka soo maray. In ilmaha la baro Alle raali ahaanshihiisa iyo inuu ku jeclaado inay ku xirantahay baarinimmada waalidka, in la baro oo la xasuusiyo sida wanaagsan ee ay u soo koriyeen iyo dadaalka ay ka soo mareen, in ilmaha loo sheego oo lagu baraarujiyo inay waalidkood saaxiib la noqdaan oo soo dhoweystaan, oo uga sheekeeyaan waxyaabaha ay ku fekerayaan, in la fahamsiiyo cannaanta iyo qeyllada inaysan cadaawad (sida ay yiraahdaan MEAN) ahayn, mararka qaarkoodna ay tahay dhaqan ka jira dalkii laakiin waalidka uu jecelyahay ilmihiisa, iyo in baarinimmada waalidka ay tahay isku haynta xoogga guriga iyo in walaalaha ay gaaraan nolol wanaagsan. DHammaan weedhahaas waa in lagu celceliyaa oo mar kasta la maqashiiyaa. Casharrada noocaas ah waxaa ku haboon bixintooda qof jecel oo u jajaban u sheekeynta iyo wax ka dhaadhicinta ilmaha, isla markaasna adeegsan kara luuqad taabanaysa qalbiga ilmaha. Sidaas si la mid ahna waa in la baraa caasinimmada iyo waalidka lala murmo ama lagu af celiyo ciqaabaha iyo cirib xummada ka dhalaneyso oo ay ugu horeyso burburka iyo dhibaatooyinka qoyska. Waxaana wanaagsan, inaan la barin ka sheekeynta caasinimmada haddii aysan jirin munaasabad ama dhacdo la saxayo. In ilmaha la baro qiimaha iyo waxa uu waalidka u yahay ilmihiisa, waxay xoojinaysaa kaalinta uu waalidka ka qaadan karo wax-barashada iyo ku barbaarinta dhaqanka wanaagsan ee ilmaha.

Ilmaha macnaha waalidnimo marka uu sidaas u fahmo, oo uu garowsado mudnaanta iyo qiimaha uu waalidku leeyahay, ayuu waalidka inuu u sheekeeyo, wax u sheego, waqti geliyo, meelo u wad-wado ilmuhuna ka barto waalidka ay suurto gal tahay. DHinaca kalana waxaa ilmahu helayaan kalsooni iyo inay ku dhiirradaan inay waalidka la soo fariistaan, wax weyddiiyaan, wax u sheegaan, taas macnaheeda waxaa weeye, wax u sheegista ilmaha waxaa ka horeeya in ilmaha marka hore fahamsanyahay Aabbe waxa uu yahay iyo Hooyo waxa ay tahay, iyo waxa ay isaga u yihiin, waana in qofka Socialworker ah iyo qofka Counselor-ka is moodsiin ilmuhu inay macno ahaan iyo dhaqan ahaan garanayaan Waalidnimmada. Waa in la baraa waalid kale oo xaq ku leh inuu jiro; adeerkii, abtigii, eeddadii, habr-yartii, awoowe, ayeeyo iyo in xiriirka walaalaha ku dhisanayahay is ixtiraam iyo in qofba midka uu ka weynyahay talada uga dambeeyo iyo guud ahaan rixinimmada.

La soco qaybta labaad (Q. 2-aad)