Labo imtiixaan oo Soomaalidu soo martay 50 Sano gudahood, way ku dheceen labadaba, wayna ka qoomameeyeen

Hargeysa (Faallo) — Dad badan ayaa la yaabban sidii uu madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ugu duceeyay Israa’iil. “Allaha barakeeyo Israa’iil” ayuu yidhi. 51 sano ka hor Muqdisho Soomaalidu waxay u sacbinayeen Maxamed Siyaad Barre oo dadka u sheegay in dhaxalka ragga iyo haweenku isku mid yahay, kaddibna 11 wadaad oo hadalkiisa ka hor yimid toogtay.
Xeerkii Qoysku ma hirgalin; lama arkin qoysas u dacwoonaya laammihii kacaanku ku lahaa xafiisyada waayo dadku way u hoggaansami waayaan in xeerkii Siyaad Barre wax loogu dhaxlo.
Cirro iyo Siyaad Barre waxay labadaba ku dhaqaaqeen tallaabo ay si ula kac ah ugu gafeen diinta Islaamka oo ay Soomaalidu aamminsan yihiin. Israa’iil waxay xasuuqday ka badan 70,000 oo Falastiniyiin ah, ka sokow malaayiinta ay barakicisay. Labo sano ka hor Cirro wuxuu u doodayay xaqa reer Falastiin laakiin maanta wuxuu dunida caan kaga noqday ka ololeynta xuquuqda reer Falastiini isaga oo u malaynaya in maamulka Somaliland sidaas kursi kaga heli kara Qaramada Midoobay.

Muuse Biixi Cabdi, madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, wuxuu dhowaan ku eedeeyay Cirro inuu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee maamulka Somaliland oo si toos ah ugu taageeray Netenyahu xasuuqa reer Falastiin yidhina “sii wad” laynta reer Falastiin.
Cirro wuxuu si ba’an u dhaawacay danaha iyo sumcadda dadka uu metelo oo badankood maanta ogaaday in waxyeellada uu u geystay himiladooda ay adag tahay in si fudud looga kabto. Dr Guuleed Dalfac, oo ah qareen, ayaa ugu baaqay Cirro inuusan qaddiyadda maamulka Somaliland uusan dhaawicin isaga oo “safaarad” ka furay (a) magaalada Qudus oo ay Isr’aail uu taqaanno Caasimadda Israa’iil.
Israa’iil ma laha awoodda uu Cirro u malaynayo inay leedahay. Israa;iil waxay Bariga Dhexe ku deggan tahay awoodda reer Galbeedka, “Israa’iil ma boodeen, Bari Dhexe intuu dego, birta kuma afaysteen, rag baa biirinaaya oo baarka u fidhayaa.” Awoodihii taageri jiray ayaa Israa’iil hadda ka soo taagan oo go’aansaday inay xiri doonaan Benjamin Netenyahu haddii uu safro, waxaa ka mid ah Biritayn oo ah dalka sameeyay Isr’aail kaddib Baaqii Balfour.
Inkastoo Soomaalidu maanta niyadjab badan iyo magacxumo dareemayso sida uu Cirro u dhaqmay awgeed, waxaa maanta aad u dareemaya uur-kataallo dadka weli damiirkoodu nool yahay oo arka in dooddii kala goynta Soomaaliya ay noqotay dood lid ku ah xuquuqda reer Falastiin iyo u damqashada dadka Muslimiinta ah oo ay Israa’iil gumaysato una diiddan tahay aaya-ka-tashigooda.
© Cali M. J. Maxamuud, 2026