Kulanka Garoowe iyo Qardho oo dib loo dhigay

Kulanka kama dambaysta tartanka magaalo madaxyada gobollada Puntland ee dhexmaraya Garoowe iyo Qardho oo qorshuhu ahaa in la ciyaaro maanta oo axad ah ayaa dib loo dhigay.

Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa weli ka hadlin sababta dib loogu dhigay kulanka, hase ahaatee warar madax bannaan ayaa sheegaya in xulka Qardho uu codsaday arrintaas, maadaama ay jamcihii ciyaareen kulankii adkaa ee afar dhammaadka.

Kulanka kama dambaysta oo ah mid xiiso badan oo aad loo sugayo ayaa wararku sheegayaan in hadda la muddeeyay berri oo isniin ah, kaas oo ka dhacaya garoonka Shuhadada ee maagaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST