Garoowe iyo Qardho oo isugu soo haray tartanka magaalo madaxyada gobollada Puntland

Xulka Qardho ayaa galabta gaaray kama dambaysta tartanka magaalo madaxyada gobollada Puntland, kaddib markii ay gool-ku-laadyo 6-5 ah uga adkaadeen xulka martigeliyaasha Boosaaso, ciyaar waqtigii caadiga ahaa ku dhammaatay 0-0.

Qardho ayaa ciyaarta in ka badan 70 daqiiqo ku ciyaaraysay 10 ciyaaryahan, kaddib markii kaarka cas la siiyay mid ka mid ah ciyaartoydeeda, halka Boosaaso ay iska khasaarisay fursad gool kulaad ah oo ay heshay.

Xulka Qardho waxa uu ciyaarta kama dambaysta ah la ciyaari doona xulka caasimadda Puntland ee Garoowe oo shalay galab ciyaartii afar dhammaadka 3-0 uga adkaatay xulka Dhahar.

Ciyaarta kama dambaysta ah ee Garoowe iyo Qardho ayaa maalmo kaddib ka dhici doonta garoonka Shuhadada ee maagaalada Boosaaso oo tartankan uu ka socday tan iyo bilowgii bishan.

PUNTLAND POST