
Garoonka Shuhadada ee magaalada Boosaaso waxaa galabta ka furmay tartanka caasimadaha gobollada Puntland, waxaana lagu daahfuray xulalka degmooyinka Boosaaso iyo Dhahar.
Xulka degmada Dhahar ee gobolka Haylaan ayaa natiijo 2-1 ah ku garaacay xulka martigeliyaasha degmada Boosaaso ee gobolka Bari.
Xulka degmada Dhahar ayaa qaybtii hore ciyaarta goolka koowaad la hormaray, inkastoo Boosaaso soo bareejaysay isla qaybtii hore, hadana dhamaadkii ciyaarta waxay Dhahar mar kale la timid goolka labaad ee guusha.
Degmada Boosaaso oo ciyaartooy badan dibadda ka keensatay ayaan soo bandhigin ciyaartii laga filayay, halka degmada Dhahar ay soo bandhigtay ciyaar wanaag.
PUNTLAND POST