Kaalintii Senator Faroole Ku Lahaa Shirarkii Dib-u-heshiisiinta Soomaalida

Senator Faroole waa inuu dhowro kaalintisii wanaagsanayd uu ka qaatay dib-u-heshiisiinta Soomaalida sanadkii 1991.

Garoowe (Faallo PP) — Waraysiga Senator Cabdiraxmaan Faroole siiyay Dhaxalreeb wuxuu xambaasran yahay xog iskugu jirta taariikh iyo xusuus. Mararka qaarkood taariikhda iyo xusuustu way iskaga qaldamaan Soomaali badan.

In daawadayaashu ogaadaan in Senator Faroole ka mid ahaa ergadii nabadraadinta ay hoggaaminayeen Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Cumar Macallin waa arrin wanaagsan. Faroole ma lahayn waaya-aragnimada siyaasadeed ay lahaayeen raga kale oo la siyaasad ahaa labadaas siyaasi sida Muuse Islaan, Cabdullaahi Faarax Hoolif iyo M. Jaamac Afballaar.

Faroole wuxuu sheegay inuu tagay Jabuuti 1991 si uu uga qeybgalo shirkii Dib-u-heshiisiinta halkaas ka dhacay sanadkaas. Wuxuu u arkaa in is-maandhaafkii siyaasadeed ka hor curashadii kacaanka ka jiray Soomaaliya, oo dhex yiil Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo xilka Ra’iisal Wasaaraha iskaga dambeeyay, uu hareeyay shirka. 

Ra’iisal Wasaare Cigaal kaalin wax-ku-ool ah ayuu ka qaatay shirkii Jabuuti ee 1991.

Cabdirasaaq Xaaji Xuseen wuxuu asaasay Xisbigii Dabka (Movimento Popolare per l’Azione Democratica) kaddib markii xisbigii SYL, oo dowladihii kala dambeeyay soo dhisay (1960-1969), noqday aalad awoodda ku ururisay gacanta Madaxaweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Wasiirkiisii Arrimahha Gudaha Yaasiin Nuur Xasan Bidde. Ra’iisal Wasaare Cigaal wuxuu ku dhaqmayay amarrada ay bixin jireen Cabdirashiid iyo Yaasiin. Guud ahaan SYL wuxuu u dhisnaa sida ay xisbiyada dalalka reer Galbeedka ka jira u dhisan yihiin: xisbiga ayaa soo magacaabi jiray qofka uu doonayo inuu u tartamo kursiga yaalla seejo (goob-doorasho). Tusaale ahaan, Maxamed Saalax Deer (oo loo garan og yahay Ladane) wuxuu ka soo gali jiray Buuloburde halka Iskushuban  iyo meelo ka tirsan gobolkii Majeerteenia loo yiqiin (hadda Bari loo yaqaanno) ay ka dheceen iska hor imaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac kaddib markii dadku ka hor yimaadeen qorshayaashii SYL oo kursiga lagu tartamayo u xiri jiray hal tartame (lista unica). Waxay ahayd siyaasad doorasho oo la kowsatay maamulkii Ra’iisal Wasaare Cigaal.

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan wuu isu soo dhoweeyay ka qeybgalayaashii shirkii Jabuuti ee 1991.

Maxamed Abshir Muuse waxaa laga qaaday  xilkii taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya  kaddib markii uu diiday inuu dowladdii Cigaal kala shaqeeyo in boolisku goobaha doorashooyinka uga shaqeeyo sida dowladdu ay rabtay. Soo jeedintaas waxaa si buuxda u qaatay Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad  Barre, oo ahaa taliyhii Xoogga Dalka.    

Cigaal iyo Shirkii Jabuuti

Cigaal wuxuu shirkii Jabuuti ka dhacay 1991kii kaga qeybgalay isagoo sitay magaca oday Soomaaliyeed oo shirka wax ka guddoominayay, la heer ahaa Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan iyo Ra’iisal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Hase ahaatee wuxuu shirkii 1993 ka dhacay Jabuuti Cigaal uga qeybgalay isagoo ahaa Madaxweynihii Maamulka Somaliland. Boobe Yuusf Ducaale,  oo la socday Cigaal, wuxuu ku qoray buuggiisa Dharaaro in Maxamed Abshir Muuse uu istaagay si uu u soo dhoweeyo Cigaal oo meesha yimid, laakiin uu Cigaal si adag ula hadlay una sheegay Maxamed Abshir in “aanan halkan marti kuugu ahayn adiga.”

Ra’iisal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu u ololeeyay in Maxamed Siyaad Barre si nabad ah dalka looga saaro maadaama uu sheeganayay oday beeleed u qaxay Gedo.

Faroole wuxuu sheegay in ay jireen dad u qareemay 1991kii in Maxamed Siyaad Barre dalka iska joogo maadaama uusan madaxweyne ahayn oo u qaxay Gedo. Shirkii Jabuuti ee 1991 madaxda Daroodku waxay aad ugu cadaadiyeen ka qeybgalaasha in Maxamed Siyaad Barre dalka laga saaro maadaama uu sheegtay inuu yahay “geesi tol waayay” oo Kismaayo laga qaaday heeso yaab lahaa sida “Darood midoobay Allahayow.” 

Maxamed Abshir Muuse waxaa lagu xiray Kismaayo sanadkii 1991 kaddin markii Jeneraal Caydiid ku tilmaamay inuu ka mid yahay “maxaabiistii SSDF.”
Jeneraal Caydiid ma aqoonsanayn in Maxamed Abshir Muuse ahaa Ra’iisal Wasaare Ku Xigeen dowladdii ku meelgaarku u soo dirtay Kismaayo.

Ururkii SNF (Somali National Front), oo lagu asaasay Kismaayo Maarso 1991, waa laga reebay ka qeybgalka shirarka dib-u-heshiisiinta. Markii ciidamaddii SNF lagu soo jebiyay Carbiska Abrill 1991, oo ururkii USC (United Somali Congress ) qabsaday Kismaayo, ayuu Jeneraal Maxamed Faraax Caydiid xiray Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenkii Dowladdii Ku Meelgaarka Maxamed Abshir Muuse oo Kismaayo ku haray halkaas oo uu keenay hindise nabadeed uu ka siday dowladdii ku meelgaarka. Jeneraal Caydiid wuxuu waraysi siiyay wargeyskii Shabelle Press. Wuxuu ku dooday in Maxamed Abshir Muuse ka mid yahay “maxaabiista ururka SSDF” ay ciidammada ururka USC dagaalka ku qabteen. Mowqifkii Jeneraal Caydiid wuxuu sababay in bishii Juunyo 1991 uu dagaal kooban ka dhacay Muqdisho, dagaalkaas oo ka horreeyay kii seddexda maalmood socday bishii Agoosto 1991 iyo kii afarta bilood socday (Nofeembar 1991 ilaa Febraayo 1992) oo dhexmaray taageerayaashii Jeneraal Caydiid iyo taageeyaashii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.   

SSDF uma jirin urur ahaan 1991kii

Waa run in, sida Senator Faroole sheegay, magaca SSDF uusan lahayn culeys siyaasadeed markii uu socday shirkii Jabuuti. Rayid ka soo gurmaday Nugaal ayaa dagaalkii Gaalkacyo (1991-1993) ka qeybgalay. Ciidankii loo yiqiin Dhafoorqiiq, oo uu Gardheere hoggaaminyay waxay u guureen Muqdisho billowgii 1991 iyagoo markii hore ku aragti dhowaa ururkii USC laakiin markii dambe shaqadoodii noqotay inay ka mid noqdaan ciidammadii Maxamed Siyaad Barre ka taageerayay inuu si nabad ah uga baxsado  Madaxtooyada (Villa Somalia). Ma jirin urur la yiraahdo SSDF oo la heer ahaa ururradii USC, SPM iyo SNM waqtigaas. Gardheere ma fahansanayn in ururkii USC ka da’yaraa kase tababbar-badnaa ururradii SSDF iyo SNM oo dhib ba’an kala kulmay dagaalladii ay la galeen dowladdii kacaanka oo xilligaas taageero ka helaysay dowladaha Galbeedka oo diiddannaa in Midowgii Soofiyeeti ku soo  fido Badweynta Hindiya, una arkayay jabhadihii Soomaaliyeed oo Itoobiya saldhigga ka samaystay kuwo si dadban iyo si toos ah uga caawinayay Midowgii Soofiyeeti in dowlad Shuuci ah ay ka dhalato Soomaaliya.

Maxamed Siyaad Barre wuxuu isku dayay inuu sii joogo Soomaaliya isagoo sheeganaya Madaxweyne kaddib markuu ka qaxay Muqdisho Janaayo 1991.

Dhaxalreeb waxaa la filayaa inay soo dayso qeybta labaad ee waraysiga uu bixiyay Senator Faroole. Su’aalaha taagan waxaa ka mid ah: Muxuu Senator Faroole, markuu Madaxweynaha Puntland ahaa, u oggolaaday in Puntland u hoggaansanto xeerka maaliyadda federaalisamka (fiscal federalism) halka maamulka Somaliland, oo aan aqoonsanayn qarannimada Soomaaaliya oo haystay dhul maamulka Puntland ka mid ahaa, loogu oggolaaday inuusan u hoggaansamin xeerka ku waajibinaya soo sheegista dakhliga soo gala iyo uga dambaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya siyaasadda maamulka kaabayaasha qaranka sida dekedaha iyo gegida diyaaradaha? Waa maxay qodobbada Sentaor Faroole sanadkii 2013 u sheegay Yuusuf Garaad ku saabsan qodobbada Dastuurka Federaalka oo wax laga beddelay Puntland oo aan lala tashanin? Senator Faroole wuxuu dhowaan Kismaayo ka sheegay in Puntland la heshiisay maamulka Somaliland. Warbixintii Dowladda Federaaalka Soomaaliya ay ka bixisay Dagaalkii Laascaanood ( 2023) waxaa colaadda lagu tilmaamay dagaal dhexmaray Beelaha Dir iyo Daarood marka la eego awood-qeybsiga 4.5. Ma heshiis Faroole uu og yahay oo dhexmray Darood iyo Dir baa jira?

© Puntland Post, 2026