
Xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay u soo baxay wareegga heerka guruubyada tartanka Qaramada Afrika 2027 (AFCON 2027).
Xulka Soomaaliya (Ocean Stars) wuxuu guul taariikhi ah ka gaaray isreeb-reebka tartanka AFCON 2027, kaddib markii ay ka adkaadeen dhiggooda xulka dalka Mauritius.
Ciyaartan oo ahayd lugta labaad ee isreeb-reebka ayaa waqtigii caadiga ahaa ku soo dhammaatay barbaro goolal la’aan ah (0–0), waxaana ugu dambeyn rigoorayaal lagu kala saaray labada dhinac, iyada oo xulka Soomaaliya uu ku adkaaday 4–2.
Wiilasha Ocean Stars waxay soo bandhigeen ciyaar heer sare ah oo ay ka muuqatay xirfad, kalsooni iyo dadaal xooggan, taas oo u sahashay in ay guusha gaaraan.
Guushan waxay sahashay in markii ugu horreysay xulka Soomaaliya u gudbo marxaladda xigta ee isreeb-reebka AFCON 2027, oo ay si wadajir ah u martigelin doonaan dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania.
PUNTLAND POST