
Hordhac
Buugga Baadi-Goobka Nabada Geeska, waa buug dhigaal taariikheed ah, oo uu dhowaan qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey. Buuggu waxa uu ka faaloonayaa shaqadadii uu Danjire Afey soo qabtay muddo ku dhow labaatan sanno. Buuggu waxa uu daboolka ka rogayaa dadaalkii loo soo maray dawlad-dhiska Soomaaliya iyo dabino badan oo loo qoolay. Qaybtaan waxa aan ku soo qaadanaynaa dhacdooyinka uu qoruhu kaga hadlayo culays ay saartay dawlada Soomaaliya oo keenay in uu iska casilo jagadii safiirnimada, sidii uu uga qayb galay doorashadii dalka Kenya ee sannadkii 2007-dii, sidii loo helay kursiga Kaamakunji (Islii) iyo baabi’intii dacwadii maxkamada caalamiga ah laga geeyey magacyada siyaasiyiin Kenyaanka ah. Waxa kale oo aan ku soo qaadanaynaa doorkii labaad ee Afey loo magacaabay xildhibaan, sidii uu uga badbaaday qarihii hotel Jasiira, dood kulul oo dhex martay Afey iyo madaxweyne Xasan Shiikh oo ku saabsanayd dawlada Soomaaliya oo ka hortimi magacaabidii Afey ee ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya, iyo dhisidii dawlad goboleedyada Jubland, Koobfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeel. Waxa kale oo ka mid ah xalintii dagaal kharaar oo Gaalkacyo ka dhacay sannadkii 2015-kii.
Iscasilaadii ka dib iyo Ololihii Doorashada Kenya
Markii uu Afey iska casilay xilkii safiirnimada Soomaaliya, waxaa socday ololihii doorashada Kenya, sidaas darteed waxa uu Afey tegay magaalada Habaasweyn bishii Juun 2007-dii, halkaas oo ay ka socotay is reeb-reebka doorashada qoyska hoose. Afey waxaa dhegihiisa ku soo dhacayey in uu ka mid yahay dadka loo badinayo in ay ku soo baxaan kursiga baarlamaanka, maadaama uu sumcad weyn ku yeeshay waxqabadkiisii. Maxamuud Cali Saalax oo horey u soo noqday guddoomiyaha gobolka Waqooyi-Bari ayaa ka mid noqday dadka qoyska hoose ka tartamaya. Aadan Afey oo Maxmed Cabdi Afey u ah adeer ayaa kula taliyey in uusan la tartamin Maxamuud Cali, oo uu duco qaato. Afey waxa uu aqbalay codsigii adeerkiis oo saldhig u ahaa koriinka iyo waxbarashada, hase yeeshee dad badan oo rabay inuu Afey tartamo ayaa arrintaas ka xumaaday.
Afey oo ku noqday Nayroobi, ayaa maalin kula kulmay Kalonzo (Guddoomiyihii xisbiga ODMKenya) hotel Sarena. Kalonzo waxa uu muddo dheer ahaa wasiirka arrimaha dibada ee Kenya, kaas oo ay Afey ay soo wadashaqeeyeen, si fiicana isku fahmeen. Kalonzo, si kaftan ah ayuu Afey ugu yiri: ”Maxaa meesha ku dhigay, miyaadan olaha doorashada ku jirin, Nayroobi waa laga tegaye?”. Afey waxa uu u sheegay is ay odayaashe qoysku ay kula taliyeen in uu ka haro tartanka, oo uu isna ka aqbalay. Ka dibna Kalonzo waxa uu Afey u soo jeediyey in uu ku soo biiro xisbiga ODM-Kenya oo uu guddoomiye ka yahay oo ay dawlad wada dhistaan. Afey oo u duurxulaya awood yaraanta xisibiga ODM-Kenya ayaa yiri: ”Guddoomiye, … haddii aan xisbi ku biirayo, waxaan ku biirayaa xisbi aan hubo in uu guulaysanayo”. Kalonzo oo fahmay duurxulka Afey ayaa sharaxaad ka bixiyey awooda xisbiga iyo kalsoonida uu qabo. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dawlad wadaag ah uu la dhisan karo labada xisbi ee kale (ODM, Railo iyo PNU, Kibaki), taas oo uu dastuurka Kenya ogol yahay. Afey waxa soo jiidatay in xisbigu uu dawlad wadaag ah la dhisan karo xisbiga guulaysta, isaga oo dareemayay in labada xisbi ee kale ay ka awood badan yihiin xisbiga ODM-Kenya. Kalonzo ayaa ku dirqiyey in uu Afey ka mid noqdo xisbiga si meesha looga saaro xisbiga ODM-Kenya oo lagu xamanayey in uu muslimka iyo Soomaalida neceb yahay. Ugu dabayna Afey, waxa uu ku biiray xisbigii ODM-Kenya, oo waxa uu ka mid noqday 10-kii xubnood ee golahii sare ee xisbiga.
Waxaa Kenya ka dhacday doorasho adag, iyada oo 12-kii Diseember 2007-dii lagu dhawaaqay in uu Kibabi mar labaad ku guulaystay talada dalka Kenya. Xisbigii uu hogaaminayey Odinga yaa qaadacay natiijadii doorashada, sababtoo ah dad badan ayaa aaminsanaa in uu Odinga ku guulaystay doorashada, taas oo keentay in ay dalka Kenya ka dhacaan qalaaase iyo dagaal sokeeye oo lagu beegsanayey dadka Kikuuyada ah oo uu ka soo jeeday madaxweyne Kibaki. Waxa uu magacaabay Kibaki kala bar golihii wasiirada, inta kale waxa uu u reebay mucaaradka si loo dejiyo xaalada dalka. Xisbiga ODM ee uu hoggaaminay Odinga ayaa xubno tiro badan ka helay golaha baarlamaanka, kuwaas oo diidanaa guusha Kibaki.
Xisbigii ODM-Kenya waxa uu helay labo xildhibaan oo la magacaabayo, kuwaas oo la siiyey Shakiila Cabdala (ka soo jeeday Lamu) iyo Afey, si dadka muslimiinta ah xisbiga loogu soo dhoweeyo. Uhura ayaa ku soo biiray barlamaanka, isaga oo isbahaysi la ahaa dawlada Kibabki. Uhuru waxa uu ka codsaday Afey in uu kulansiiyo Kalonzo, taas oo ahayd siyaasad lagu kala qaybinayo mucaaradka dalka. Afey waxa uu u sheegay Uhuru, in uu fariinta gaarsiinayo Kalonzo, hase yeeshee loo baahan yahay in la sheego waxa loo ogol yahay ODM-Kenya. Uhuru ayaa si fudud ugu jawaabay:” Waan ka wada tashan”. Afey waxa uu fariintii u gudbiyey Kalonzo oo aqbalay, hashe yeshee codsaday in uu Afey gogosha dhigo. Afey ayaa gurigiisa ku martiqaaday Uhuru iyo Kalonzo, kuwaas oo ku dheeraaday in ay iska wareystaan xaaladda qalalaasaha ka jiray dalka iyo sida xal loogu heli karo. Ka dibna Kalonzo ayaa weydiiyey Uhuru waxa ay u ogol yihiin xisbiga ODM-Kenya haddii uu ku soo biro dawlada. Uhura ayaa sheegay in Kibaki ay xilka ugu danbayso xilligan, oo loo baahan inay in lawada dhisto isbahaysi siyaasadeed mustaqbalka, haddana ay xisbiga ODM-Kenya u ogol yihiin madaxweyn ku xigeen, wasiiro iyo jagooyin kale. Arrintaas oo uu aqbalay xisbigii ODM-Kenya ayaa loo geeyey kibabi, ka dibna waxa loo saaray guddi farsamo oo ka kala socday labada dhinac. Kikabi waxa uu sheegay in Kalonzo uu yahay madaxweyne ku-xigeeniisa oo uu u dhisayo madaxtinimada dalka. Arrintaas waxaa la dhacay Kalonzo oo aad ugu mahadceliyey Afey kaalintii uu ka qaatay kulankaas. Kibaki waxa uu gaaray ujeeddadiisii oo ahayd in uu mucaaradka kala jebiyo. Dhinaca kale, xisbiga ODM ee uu hogaaminaye Odinga ayaa aad uga xumaaday arrintaas, maadaama xisibiga ODM-Kenya uu ahaa awoodii labaad ee la cadaadinaysay dawlada.
Beesha caalamka ayaa soo dhexgashay xaaladdii cakirnayd ee ka jirtay dalka Kenya, waxaa Kenya tegay Kofi Anan, oo horey u soo noqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Kofi ayaa wada xaajood isku keenay labada dhinac, waxaana heshiis lagu gaaray in dawlada la balaariyo oo waxaa raysul wasaare laga dhigay Odinga. Waxaa is taagay rabshadihii, waxaana bilowday in gal dacwadeed laga furo maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ICC. Sababta loo furey maxkamada waxa ay ahayd in aan si fudud loo ilaawi karin dambiyadii dhacay. Dadkii magacyadooda loo gudbiyey maxkamada waxaa ka mid ahaa Uhuro iyo Ruto oo ka soo kala jeeday labada reer ee is laayey iyo labad dhinac ee talada dalka isku haya.
Kursiga Kamakunji (Xaafada Islii)
Doorashadii kursiga baarlamaanka ee Kamakunji ee sannadkii 2007-da waxaa ku tartamayey Samuel (PNU), Yuusuf Xasan (OMD-Kenya) iyo Maxamed Ibraahim (ODM-Rialo). Yuusuf oo ka tirsanaa xisbiga ODM ee Rialo hoggaamiyo, oo dareemay in is reebreebka xisbiga gudihiis lagu reebayo, ayaa la kulmay Afey oo ka tirsanaa xisbiga ODM-Kenya oo markaas warqada tartanka loo qoray nin la oran jiray Joseph. Afey waxa uu isku dayey in uu xoghayihii xisbiga uu ku qanciyo in Yuusuf Xasan lagu bedelo Joseph, maadaama ay xaafadda degan yihiin dad badan oo Soomaali ah, si xisbigu doorashada u helo. Markii uu xoghayihii diiday arrintaas, Afey waxa uu jeexjeexay warqadii magacaabista Joseph oo hortiisa taalay. Arrintaasi waxa ay dhalisay in xisbigii shir isugu yimaado, ka dibna waxaa laysku raacay in Yuusuf Xasan uu u tartamo xisbiga ODM-Kenya. Hase yeeshee doorashadii waxaa ku guulaystay Samuel oo ka tirsanaa xisbia PNU, taas oo keentay in ay dacwad gudbiyaan Yuusuf Xasan iyo Maxamed Ibraahim oo la tartamayey. Ugu dambayn waxa ay maxkamadii xukuntay in kursigaas dib loogu tartamo.
Afey waxaa uu dareensanaa in qabiilka Mukamba oo taageersanaa xisbiga ODM-Kenya aan cod badan laga helayn, sidoo kale in codka Soomaalidu uu yar yahay oo uu haddana u qaybsan yahay labo nin iyo weliba Soomaalida oo aanay u bislayn in ay codeeyaan. Afey waxa uu Kalonzo ugu tagay magaalo u dhow Mambaza (Vio), isaga oo uu la socdo Xaaji Yaasiin guddomiyahii ganacsada suuqa Islii. Afey waxa uu ku qanciyey Kalonzo in loo baahan yahay in kursiga si isbahaysi ah loogu tartamo. Sidoo kale, waxaa uu Afey ku qanciyey Uhuru in kursiga Kamakunji isbahaysi ahaan loogu tartamo oo Yuusuf Xasan ugu tartamo xisbiga PNU, maadaama dawlada wadaaga ah ay ka dhex jireen jilaafooyin siyaasadeed. Yuusuf Xasan waxa uu ku guulaystay kursigii Kamakunji, isaga oo dusha ka huwan xisbiga PNU, hoostana ka ah xisbiga ODM-Kenya. Yuusuf waxa uu noqday xildhibaankii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee laga soo doorto xaafada Kamakunji, weliba xilli ay Soomaalidu xaafada ka wado maalgashi balaaran. Afey waxa uu ku taliyey in kursiga Kamakunji lagu ilaalin karo bulshada Soomaaliyeed iyo ganacsiga Islii, sidaas darteed in loo baahan yahay in la midoobo oo uu kursigaasi noqdo kursi markasta Soomaalidu ku guulaysato.
U Suxul Duubkii Baabi’inta Dacwadii Maxkamada Caalamiga ah
Markii ay isla jaanqaadeen dadkii Keenyaanka ahaa, waxaa loo baahday in la baabi’iyo dacwada taala maxkamada caalamiga ah ee ICC. Sidaas darteed waxa uu Kibaki magacaabay guddi uu hogaaminayo madaxweyn-ku-xigeenkii Kalonzo, kaas oo dalal badan safaro ku tegay. Afey waxa uu ka mid ahaa guddigaas. Guddiga ayaa ugu horeyn tagay magaalada Addis Ababa oo ay kula kulmeen guddomiyaha Midowga Afrika si taageero loogu helo in dacwada la baajiyo. Sidoo kale, waxa ay guddigu tageen dalka Liibiya, maadaama uu Qadaafi xilligaas hayey xilka hoggaanka Midowga Afrika, haddana uu ahaa nin galaangal badan ku lahaa dalalka Afrika oo uu u gacan furnaa. Markii hore Qadaafi waxa uu guddiga ku canaantay in ay khalad ahay in wax loogu yeerayo maxkamad caalami ah, oo reer galbeed wato la saxiixo oo xubin laga noqdo. Qadaafi waxa uu yiri: “Ma waxaad ogolaanaysaan in wiilkii madaxweynihii hore dhalay, in maxkamadaas la saaro”. Ka dibna Qadaafi waxa uu u sheegay guddigii in uu arrintaas kala shaqaynayo oo uu la hadlayo dalalka Africa. Guddigii waxa kale oo ay booqdeen dalka Israa’iil oo isna u balan gaaday in uu codsigooda kala shaqaynayo. Afey intii uu joogay waxa uu booqday masaajidka barakeysan ee Al-Aqsaa. Safaradaasi waxa ay sababeen in maxkamada dacwadeedu dheeraato oo aan go’aan deg deg ah la gaari karin. Uhuro iyo Ruto dhowr jeer ayaa looga yeeshay maxkamada.
Intii guddigu safarka ku maqnaa, waxaa heshiiyey Uhuru iyo Ruto oo col ahaa, waxa ayna isla garteen, in sida kaliya ee dacwada maxkamada looga badbaadi karaa ay tahay in ay wada dhistaan isbahaysi siyaasadeed, iyaga oo tusaale u soo qaatay in Cumar Al-Bashiir (Suudaan) aan la xiri karin inta uu madaxweynaha yahay. Uhuru iyo Ruto waxa ay samaysteen isbahaysi siyaasaddeed oo waxa ay ka baxeen balantii ahayd in Kalonzo loo dhiso xilka madaxweynaha ee xilliga doorashada soo socotay. Afey waxa uu sheegay in aysan inta badan hirgelin balanqaadyada siyaasadeed, madaama ay xilliga doorashadu soo dhowday ay xulufo noqdaan dad aan horey isu rabin, heshiisyadii horey loo galayna kuwo kale ayaa baabi’ya. Kalonzo oo la kulmay Uhuru iyo Ruto ayaa xasuusiyey balanqaadkii uu Uhuru horey ula galay iyo sida uu uga shaqeeyey baabi’inta dacwada maxkamada caalamaiga ah. Hase yeeshee Uhuru waxa uu u sheegay Kalonzo in isaga iyo Ruto ay isbahaysi samaysteen, oo ay doonayaan in ay xukunka dalka qabtaan, una tartamayaan doorasha sannadka 2013-ka si ay uga badbaadaan dacwada maxkamada caalamiga ah. Kalonzo oo arrintaas ka xanaaqay ayaa Afey uga sheekeeyey wixii dhexmaray isaga, Uhuru iyo Ruto, uuna go’aan ku gaaray in xisbiga ODM-Kenya in uu ku biirayo xisbiga mucaaradka ah ee ODM ee uu Odinga hoggaamiyo. Sidaas ayuuna ku samaysmay xisbigii CORD oo ay ku midoobeen ODM-Kenya iyo ODM (Odinga). Xisbiga CORD ayaa u tartmay madaxtinimada dalka Kenya sannadkii 2013 (Odinga-madaxweyne, Kalonzo (Kuxigeen), hase yeeshee waxa ku guulaystay madaxtinimadii dalka Uhuro. Xisbiga CORD waxa uu dacwad u gudbiyeen maxkamada sare, hase yeeshee arrintaas waxba lagama soo qaadin.
Doorkii labaad ee Xildhibaanimada ee Danjire Afey
Markii uu noqday xildhibaan u doodi kara dalka Kenya, waxaa Afey uu helay fursad uu ugu hadlo dhibaatooyin ka jiray gobolka Waqooyi-bari. Afey waxa uu baarlamaanka Kenya geeyay dood ku saabsan baabi’inta sharcigii ugu xumaa 40-kii sanno ee la soo dhaafay ee ay Kenya kula dhaqmaysay dadka Soomaaliyeed (indemnity Bill). Sidoo kale waxa uu codsaday in magdhow laga bixiyo dhibaatadii loo gaystay dadka Soomaaliyeed, sida xasuuqyadii ka dhacay Gaarisa, Gubay, Waagala, Malkamarey. Baarlamaanka Kenya waxa uu aqbalay in sharcigaas la baabi’iyo, hase yeeshee madaxweynihii dalka ayaa ka gaabsaday sixiixida baabi’inta sharciga, isaga oo ka cabsi qabay in ay mowjado ku furmaan. Arrintaas ka dib, Afey waxa uu sheegay in ay u hirgaleen arrimo kale sida, in ardayda Soomaaliya la siiyey tixgelin ah in dhibco hoose ay ku gelikaraan jaamacadaha dalka, iyo nin dad badan oo ka soo jeeda Waqooyi-bari oo iska diiwaan geliyey xeryaha qaxootiga dib loogu soo celiyo muwaadinimadoodii iyo in laga joogiyo dadka Soomaaliyeed ee dariiqyada lagu weydiinayo sharciga.
Afey waxa uu sheegay in intii uu ahaa xildhibaanka magacaaban, uu fursad u helay, in uu heerka labaad ee waxbarashada uu ka bilaabay jaamacada Nayroobi oo uu ku bartay xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta, arrintaas oo uu u lahaa waayo aragnimo balaaran. Afey waxa uu sheegay in bishii Diseember 2008, uu kulan la qaatay saraakiil ka tiran wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, kaas oo looga hadlayey Itoobiya oo soo jeedisay in Maxkamadaha iyo Dawlada la heshiisiiyo, ka dib markii ay faraha kaga gubatay dagaalkii laga la hor yimi. Dawlada Itoobiya waxa ay la xiriirtay dalka Yemen oo ay joogeen saraakiil ka mid ah maxkamadaha. Sida uu ogaaday Afey, maxkamaduhu waxa ay codsadeen in gogosha heshiisku ay fidiso dawlada Kenya. Afey waxa uu sheegay in uu Kenya kula taliyey in aysan dhigin gogoshaas, isaga oo ka cabsi qabay in ay burburto dawladii Soomaaliya. Sidoo kale, Afey waxa uu sheegay in ay Jabuuti dhigtay gogosha wada heshiisiinta oo Sh. Shariif loogu doortay madaxweyne bishii Janaayo 2009. Hase yeeshee waxaa meesha ka baxday in ay dhammato colaadii jirtay oo waxaa dhashay Al-Shabaab oo ilaa iyo maanta dawlada Soomaaliyeed dagaal kula jirta.
Qaraxii Hotel Jasiira ee uu ka Badbaaday Afey iyo Waftigiisii
Afey oo arrintaas ka waramaya waxa uu yiri: “10-kii Sebteember 2012 ayaa Xasan Shiikh loo doortay madaxweynaha Soomaaliya. Dawlada Kenya waxaa ku adkaatay sidii ay ula xiriiri lahayd madaxweynaha la doortay oo aysan aqoon hore u lahayn, kuna cusbaa saaxada siyaasadda. Wasiirka Arrimaha dibada ee Kenya (Samual) ayaa u yeeray Afey si loogala tashado arritaas. Afey waxa uu ku taliyey in loo hambalyeeyo madaxweynaha la doortay. Sido kale waxa uu soo jeediyey in wafti heer sare ah loo diro. Dawlada Kenya waxa ay 24-saac ku abaabushay diyaarinta wafdigaas, taas oo muujinaysa sida ay Kenya uga go’nayd wanaajinta xiriirka labada dal. Barqanimadii 13-kii bishii Sebteember ayey wafti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibada oo uu ka mid yahay Afey waxa ay tageen magaalada Muqdisho. Hotel Jasiira ayey ugu tageen madaxweyne Xasan Shiikh oo dooran labo maalmood oo keliya oo aan weli xil la wareegin. Wasiirka arrimaha dibada oo akhrinaya dhambaalkii hambalayada ayaa hal mar waxa dhacay qarax xoogan, kaas oo cabsi iyo argagax ku keenay waftigii ka yimi dalka Kenya. Waxaa lagu amray in ay beerka dhulka dhigaan. Madaxweyne Xasan Shiikh kama kicin meeshiishii, cabsina kama muuqan. Rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidamada AMISOM iyo ilaalada hoteelka ayaa socotay labaatan daqiiyo qiyaastii. Markii ay joogsatay rasaastii, waftigii waxaa la geeyey qol kale, madaxweyne Xasanna waxa uu u sheegay in ay deg deg u baxaan. Sh. Shariif (madaxweynihii hore) ayaa waftiga ugu yimi qolkii oo u tacsiyeeyey. Markii hotelka laga bixi lahaa ayaa la sheegay in nin mayd ah, oo qarax ku xiran yahay oo yaalo jaranjarada horteeda. Dantu waxa ay keentay in waftigii lagu amro inay ka dul tilaabsadaan oo aysan maydka taaban. Qofba si ayuu ku maray, mid qaylinaya, mid ducaysanay, iyo kuwo ay ka qoyeen dharkii ay qabeen. Gaari qafilan oo ay leedahay AMISOM ayaa waftigii lagu geeyey garoonka, halkaas oo ay ka raaceen diyaaradoodii. Markii la gaaray Kenya ayaa lays weydiiyey wixii dhacay. Saxaafada dunida ayaa baahisay warkii qaraxa, iyaga oo sheegay sida aan u badbaanay, sidoo kale waxaa la baahiyey sawiro iyo muqaalo ku saabsan meeshii uu qaraxu ka dhacay”.
“Markii la tegay Nayroobi, wasiirkii arrimaha dibadu waxa uu aaday deegaankii uu ka soo jeeday. Waxaa sidaas ku amray baadarigii kaniisada si uu uga duceeyo. Intii uu kaniisada ku jiray oo uu dadkiisa ku la hadlayey af-ka Kissu, waxa uu sheegay in qarax lala beegsaday uu ka dambeeyey madaxweynihii lagaga guulaystay tartanka, Sh. Shariif. Hadalkii wasiirka ayaa hadal hayn badan ka dhaliyey magaalada Muqdisho. Sh. Shariif oo ka cabanaya arrintaas ayaa ila soo xiriiray. Waxa aan u sheegay in ay arritaasi ku gaar tahay wasiirka. Sidoo kale waxa aan ka codsaday wasiirkii in uu raali gelin ka bixiyo arrintaas. Wasiirkii waxa uu hortagay baarlamaanka waxa uuna bixiyey raali gelin”.
Magacaabistii Afey ee Ergayga IGAD iyo Xasan Shiikh iyo Itoobiya oo ka hor Yimi
Doorashadii dalka Kenya ee dhacday sannadkii 2013, waxa ku guulaystay Uhuru oo noqday madaxweynaha dalka iyo Ruto oo ku-xigeen u noqday. Afey kama qayb gelin dawlada, oo waxa uu ku haray xisbigii ODM-Kenya oo mucaarad ah. Aamino Maxamed ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda, oo noqotay qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo jagadaas qabta. Sida uu qoruhu sheegay, Aamino iyada oo tixgelinaya aqoonta iyo waayo aragnimada Afey ayey u soo bandhigay in uu qabto xafiiska IGAD ee fududaynta dawlad dhiska Soomaaliya. Wasiir Aamino ayaa markii uu aqbalay Afey qortay warqada soo jeedinta magacaabista ergayga IGAD ee fududeynta hawlaha Soomaaliya. Afey waxa uu warqadii geeyey xarunta IGAD ee Jabuuti, oo uu xoghaye ka haa Maxbuub Macallin oo ay Afey is garanayeen. Maxbuub aad ayuu u soo dhoweeyey. Inta aan la ansixin magacaabista ayaa la galiyey baraha bulshada, hase yeeshee sida saxda ah waxa ay ahayd in lagu ansixiyo shir ay wada joogaan madaxda dawladaha ka tirsan IGAD. Sida qoruhu sheegay arrintaan waxaa ka hor timi dawlada Soomaaliya oo si cad u sheegtay in aan lagala tashan arrintaas. Sidoo kale, waxaa ka hor timi dawlada Itoobiya, oo iyadu xafiiskaan maamulanaysay in ka badan 10 sanno, kana waday hawlaheeda faragelinta ee Soomaaliya, kaas oo uu fadhiyey nin la oran jiray Gabre oo siyaasadda Soomaaliya aad u qasay. Afey waxa uu sheegay in uu garan waayey meesha ay kala dirirtay dawlada Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay Itoobiya dhowr jeer oo hore ay is qabteen intii uu soo galay hawlaha dib u heshiisiinta Soomaaliya. Afey waxa uu si gaar ah u timaamay, in uu maalin ka soo dul dhacay, qoraal loo diyaariyey in ay ansixiyaan wasiirada arrimaha dibada ee IGAD, kaas oo ay ku qornayd in la cambaareeyo ururada argagixisada ee ka soo cusboonaaday geeska Afrika sida maxkamadaha islaamiga ah iyo ONLF”. Afey waxa uu u sheegay gabar xoghayn ahayd oo warqada qoraysay in laga saaro ONLF, maadaama ay arrintani qusayso Soomaaliya, oo ay ONLF tahay jabhad ka dirirta Itoobiya. Xoghayntii oo taladaas qaadatay ayaa ka saartay ONLF, warqadiina waxaa loo gudbiyey wasiirada arrimaha dibada. Itoobiya oo aragtay in laga saaray ayaa xoghayntii ku canaanatay sababta looga saaray ONLF, waxayna isku difaacday in uu Afey kula taliyey in laga saaro. Gabre iyo Nin kale ayaa Afey kala dooday arrintaas. Afey ayaa u sheegay in war-murtiyeedku uu ku saabsan yahay Soomaaliya gudaheeda, sidaas darteed ay meelna ka soo geli karin ONLF. Doodii oo la dheeratay ayaa sababtay isku dhac dhex maray Afey iyo Gabre. Afey waxa uu sheegay in xilligaas ay IGAD ahayd meel ay Itoobiyo maamulato, uu guddoomiye ka yahay Melse, wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiyana uu ka ahaa shir guddoon.
Afey oo ku soo noqday Nayroobi, ayaa 27-kii Diseember 2013 waxaa la qorsheeyey in shirka IGAD uu ka furmo Magaalada Nayroobi, kaas oo lagu doonayey in ergay Kenyaan ah loo magacaabo Koonfurta Suudaan. Sidoo kale waxa la doonanay in magacaabistiisa lagu ansixiyo shirkaas. Itoobiya waxaa ka yimi madaxweynaha Xayle Maryam iyo wasiirka arrimaha dibada. Afey waxa uu garoonka diyaaradaha uga hortay madaxweyne Xasan Shiikh iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowsiyo Xaaji Aadan. Afey oo garoonka u tegay in uu yahay egray ka socda IGAD oo shaqadiisi wata, ayaa Xasan Shiikh ka dareemay in uu dareen jiro. Afey iyo Safiirka Soomaaliya waxa ay wafdigii geeyeen qol lagu nasto, is waraysi ka dib, sida uu Afey sheegay, Xasan Shiikh inta u jeestay dhiniciisa ayuu yiri: ”Safiir xilkaan ergayga IGAD ee hadda laguu magacaabay, lagalama tashan dawlada Soomaaliya”. Fowsiyo ayaa tiri: ”Yaa nagala tashaday in safiir la magacaabo,?” Yaa magacaabi kara? Guddiga baarlamaanka ee arrimaha dibada ayaa su’aalo naga weydiiyey”. Afey waxa uu u sheegay Fowsiya in uusan ahayn safiir dawlada Soomaaliya ee uu yahay ergay wadamada IGAD ku matelaya arrimaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in jagada uu qabano uu ka bedelo ergay hore oo nin Kenyaan ahaa. Afey waxa uu sheegay in wasiir Fowsiyo oo ay ka muuqatay in aysan fahmin hadalkaygii, ay yiri: ”Maya maya…Maxamed magacaabistaada dood badan ayaa Muqdisho ka socota, xildhibaanadu way diidan yihiin ee safiir dib nooga dhig”. Afey waxa uu sheegay in ay doodii la dheeratay oo iyaga oo hadlaya ay gawaaridii soo raaceen. Afey waxa uu go’aansaday inuu uu si gaar ah u arko madaxweyne Xasan. Afey oo goor habeen ah la kulmay Xasan keliya, waxa uuna ku yiri: ”Madaxweyne maanta arrin ayaad ila soo qaaday, shirkii IGAD-na waxa uu furmayaa beri subax, waxaa looga hadlayana waa arrimaha Koonfurta Suudaan, arrimo kale oo IGAD ku saabsan, magacaabistaydana waa lagu soo darayaa ee sidaas ula soco”. Afey waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan uu si cad ugu sheegay in aan magacaabista shirka lagu soo darayn. Afey oo yaaban ayaa yiri: ”Oo maxaa dhacay madaxweyne oo Soomaaliya iigu diidan tahay?” Waxa uu Xasan Shiikh yiri: “Taas dib ayaan u dhiganaynaa Maxamed, maxaa yeelay shirkaan ma quseeyo Soomaaliya” Doodii ayaa dheeratay, Afey waxa uu sheegay in ay tahay kulanka madaxda IGAD in la keeno ansixinta magacaabistiisa. Afey waxa uu sheegay in Xasan oo aysan weli ka daadegin arrintu uu yiri: ”Hawshaas waa laysku haystaa.” Afey oo kululaaday ayaa yiri: ”Madaxweyne dawlada Kenya ayaa i magacowday, waxaana bedelayaa sarkaalkii iga horeeyey”, Afey oo kaftamaya ayaa hadalkii ku daray: ”Madaxweyne nin asal ahaan Soomaali ah ayaan ahay , calanka xiddigta shanta gees leh, ee dhabarkaaga yaala, qayb ayaan ka ahay, magac xumo ayay kugu noqonaysaa in dawlad kale oo nin Soomaali ah shaqo u soo magacowday uu diido mdaxweyne Soomaaliyeed.” Afey waxa uu sheegay in uu hadalkiisii dareen culus geliyey Xasan Shiikh, waxa uuna muujiyay garowsiiyo. Xasan Shiikh oo caradii ka ba’day oo hadalkii qaboojiyey ayaa yiri: ”Annigu nin Soomaaliyeed oo jago loo soo magacaabay waan ku faraxsanahay, laakiin dood badan ayaa arrintaas ka jirtee aan waqti kale ka dhigano”. Afey waxa uu sheegay in uu ogaa haddii aan fadhiga madaxda IGAD lagu meel marin magacaabistiisu ay sidaas ku lumayso, waayo Itoobiya ayaa rabta in ay meesheeda maamulato, oo uusan Afey soo gelin meesha. Go’aan la’aan ayaa habeenkii lagu kala tegay.
Shirkii IGAD waxa uu furmay subaxdii, waxaana laga wada hadlay arrimaha Koonfurta Suudaan iyo qodobo kale oo dalalka IGAD quseeya. Ka dibna xoghaynta IGAD oo Afey ka mid yahay ayaa diyaarisay war-murtiyeedkii loo geyn lahaa madaxda IGAD ee ay isku raaci lahaayeen, si loo baahiyo. War-murtiyeedka waxaa lagu qoray in ergay gaar ah ee nabadaynta loo magacaabay Koonfurta Suudaan, iyo in iyada oo la tixgelinayo warqadii magacaabista ee dawlada Kenya u qortay xoghaya guud ee IGAD, in ay madaxda wadamada IGAD ay isku raaceen in Maxamed Cabdi Afey uu noqdo ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Afey waxa uu sheegay in markii qoraalkii loo geeyey madaxdii IGAD ee magaciisa lagu arkay ay dawlada Soomaaliya iyo Itoobiya hal mar wada boodeen, oo ay ku doodeen in aan meesha la soo gelin karin magacaabista Afey. Markiiba waxaa deg deg u soo baxay madaxweynaha Itoobiya iyo wasiirkii arrimaha dibada oo xogheyntii handaday, sababta ay magacaabista Afey iyo arrimaha Soomaaliya ugu dareen war-murtiyeedka, waxa ayna ku amreen in laga saaro. In yar ka dib, waxaa shirkii ka soo baxday Aamino Maxamed (Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya) oo Afey u sheegtay in Itoobiya oo kaashanaysa Soomaaliya ay diidan tahay magacaabistiisa. Waxa iyana soo baxday Fowsiyo (wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya) oo u muuqatay in xanaaqa Aamino uu dareen geliyey.
Afey markiiba, waxa uu ku jeestay Fowsiya, isagoo weydiiyey su’aalo garnaqsi ah, sida ; ”Wasiir ma waxa aad diidan tihiin magacaabistayda? Maxay tahay sababta ay dawlada Soomaaliya ku diidan tahay nin Soomaali ah oo ay dawladaha IGAD magacaabeen?” Afey waxa uu intaas ku daray in uu sheego dadaalkii uu u galay dawlad dhiska Soomaaliyeed tan iyo shirkii Carta. Fowsiyo oo u muuqata in ay soo dabacday ayaa tiri: ”Maya, maya safiir sidaas ma aha arrintu, ee waa in laga tashado”. Afey waxa uu sheegay in markaas ay sheekada ku soo biireen Kamaal Guutaale (Xoghaynta madaxweynaha) iyo Eng. Yariisow (Afhayeenka madaxweynaha) oo yiri: ”Maxaan danjiraha ka rabnaa oo magacaabistiisa u diidanahay, waa nin Soomaali ah”.
Fowsiyo oo is bedeshay iyo Aamino ayaa u tegay madaxweyne Xasan oo ka dhaadhiciyey arrintii magacaabista. Xasan Shiikh markuu ogolaaday ayaa loo tegay xoghayntii IGAD oo lagu soo daray ansixintii jagadii loo magacaabay Afey. Itoobiya kuma farxin go’aankaas, balse wax kama qaban karin. Wasiirkii arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa akhiriyey war-murtiyeedkii. Afey waxa uu sheegay in Itoobiya ay jadagaas la doonaysay Gabre iyo in Itoobiya ay qaadatay jago ka bannaanayd xafiiska IGAD ee Jabuuti. Markii war-mutigeedkii soo baxay Afey waxa ay kulmeen madaxwayne Xasan oo ka codsaday in uu si dhow ula shaqeeyo.
Afey waxa uu sheegay in shaqadiisu ay u dhexaysay Jabuuti, Addis Ababa, Nayroobi iyo Muqdisho, laakiin xafiiskiisa uu ku yaalay Addis Ababa oo la rabo in uu si dhow ula shaqeeyo wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya. Afey waxa uu xafiiskii ugu yimi nidaam ah in uu Gabre ka hoos shaqaynayo. Taasi waxa ay ku noqotay caqabad iyo in aan fursad loo siin shaqadiisa, waxaana ku adkaatay in uu la kulmo wasriirka arrimaha dibada ee Itoobiya, kaas oo xogta ka qaadan jiray Gabre iyo Tadowle. Arrintaasi waxa ay Afey ku khasabtay in uu xogtiisa la sugo shirka madaxda dawladaha IGAD. Afey waxa uu sheegay in Gabre uu Soomaalida bahdilay oo cidii uu doono u yeerto, uuna siiyo amaro aan ka soo bixin IGAD iyo in siyaasiyiinta Soomaalidu hordhooban yihiin. Afey waxa uu u yeeray Gabre oo uu weydiiyey sababta uu shaqadiisa ugu gacan dhaafayo. Gabre waxa uu yiri: “Aniga shaqadaan waxa ii dirsatay dawlada Itoobiya”. Afey waxa uu sheegay in ay arrintaas isku fahmi waayeen, ayna ku kala tageen.
Afey waxa uu sheegay in uu la kulmay caqab adag sida in wasiirkii arrimaha dibada ee Itoobiya oo ah madaxa fullinta ee IGAD aan wax shaqo ahi ka dhaxayn, Gabre oo ay is fahmi waayeen, Soomaalidii oo Itoobiyaanka ka amar qaadanaysa, hannaan maamul oo isku xiran oo sharci daro ah oo samaysmay, iyo dagaal adag oo lagula jiro. Afey waxa u soo baxday labo talo, in uu iska casilo xilka iyo in uu xafiiska u raro magaalada Nayroobi. Afey oo talada rogrogay waxaa u soo baxday in haddii uu is casilo ay faa’iido ugu jirto dawlada Itoobiya oo ay Soomaalida ka yeelayso sida ay rabto. Afey waxa uu la tashaday xoghayaha IGAD (Maxbuub) oo uu uga waramay waxa jira. Maxbuub waxa uu qiray dhibta jirta iyo sida ay saraakiisha Itoobiya isaga maamushaan ururka IGAD iyo in uu garowsan yahay faragelinta Itoobiya. Hase yeeshee Maxbuub waxa uu Afey ku dhiirigeliyey in uu shaqadiisa wato. Afey waxa kale oo kulan la qaatay madaxdii dawlada Kenya oo uu uga waramay meesha ay wax marayaan iyo hawlaha taagan. Waxaana laysku raacay in xafiiska loo wareejiyo magaalada Nayroobi.
Dhismihii Dawlad Goboleedka Jubaland
Afey waxa uu sheegay in uu ahaa xildhibaan markii ay bilowdeen hawlaha dhisida Jubaland oo uu hoosta kala socday. Waxa kale oo uu sheegay in dawlada Kenya lagu qanciyey in ay tababarto ciidan iyo maamul loo samaynayo Jubaland. Madaxweyn Sh. Shariif ayaa Kenya u qoray warqad uu kaga codsanayo arrintaas. Gaandi oo ahaa xildhibaan ka tirsan dawlada ayaa hor boodayay dhismaha maamul ka kooban 3 gobol oo loo bixiyey Azaaniya. Shir lagu qabtay magaalada Nayroobi ayaa laysugu keenay qaabaa’ilka dega 3-da gobol ee maamulka loo dhisayo sida Hartiga, Raaskaanbooni iyo Ahlu Suna oo Gado matelayey, qabiilooyinka kale oo ay metelayeen wasiiro ka tirsanaa dawlada Soomaaliya. Dawlada Itoobiya ayaa ka biyo diiday qorshaha dhisida Azaaniya, iyada oo ku doodaysa in ciidanka la tababaray uu xiiriir la leeyahay ONLF oo ka dagaalanta guddaha Itoobiya, sidaas darteedna ay suugogal tahay in halkaas dagaal Itoobiya laga soo abaabulo. Arrintaas ayaa caqad ku noqotay dhismihii Azaaniya.
Si loo xaliyo arrintaas, dawlada Kenya waxa ay Itoobiya u dirtay wasiirkii gaashaandiga ee Kiinya (Maxamed Yuusuf Xaaji) oo la kulmay Meles. Afey waxa uu sheegay in lagu heshiiyey dhismaha maamulka Jubaland oo hoos tagaya dawlada Soomaaliya, maadaama labada dalba ay xaduud la leeyihiin maamulkaas. Waxaa kale oo la gartay in ciidanka Raaskaanbooni iyo Ciidankii Azaaniya la mideeyo si ay Kismaanyo u qabtaan. Markii la mideeyey ciidankaas waxa ay qabsadeen Dhoobley, waxaase ku adkaatay in ay Kismaayo qabsadaan. Xilligaas Shabaabku waxa ay bilaabeen in ay gudaha Kenya falal ka geystaan sida in ay dad dalxiisayaal ah ka qafaasheen Lamu, taas oo wax u dhintay dalxiiska Kenya. Arrintaas waxa ay keentay in baarlamaanka Kenya meelmariyo hawlgala difaaca dalka oo ay ciidamo soo geliso gudaha Soomaaliya.
Ciidamadii Kenya iyo ciidanka laysku daray waxa ay dagaal bilo socday ku qabsadeen magalada Kismaayo, taas oo fure u noqotay dhismaha maamulka Jubaland. Afey waxa uu sheegay in markii uu Sh. Shariif madaxweynaha ahaa uu jiray khilaaf ku saabsan sida loo dhisayo Jubaland. Madaxweyne Xasan oo xilka la wareegay ayaa qaadacay qorshaha maamulka Jubaland. Waxaa magaalada Kismaayo ka bilowday shirkii dhisida maamulka Jubaland oo ay dawlada Soomaaliya ku dadaashay in la hakiyo, iyada oo wafti badan u dirtay Kismaayo. Hase yeeshee arrintaasi ma hirgelin oo waxaa si gacan taag ah Axmed Madoobe loogu doortay labo sanno oo ku meel gaar ah. Doorashadaas ka dib, dawladu waxa ay soo saartay in aysan aqoonsanayn wixii ka soo baxay shirkii Kismaayo, taas oo keentay dagaal kharaar oo dhexmara ciidamo uu watay Bare Hiiiraale iyo ciidamadii maamulka ku meel gaarka ahaa. Ciidamadii Bare Hiiraale oo laga saaray Kismaayo ayaa xarun ka dhigtay tuulada Goobweyn ee duleedka Kismaayo. Maamulkii Axmed Madoobe waxa ay ku eedeeyeen dawlada Soomaaliya in ay taageerayso ciidamada Bare Hiiraale.
Afey waxa uu sheegay in markii loo magacaabay ergayga gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliya loo dhiibay galka dhismaha maamulka Jubaland oo ay xaaladiisu ahayd sida kor looga soo hadlay. Waxaa loo baahday in maamulku noqdo mid loo wada dhan yahay oo hay’ado baarlamaan iyo dastuur leh. Talaabada koowaad waxa ay ahayd in ciidanka Bare Hiiraale xal loo helo oo la heshiisiiyo beelaha Jubaland. Afey waxa uu sheegay in ay ahayd hawshii ugu horeysay ee uu bilaabo in shir laysugu keeno 300 oo ergay oo ka socota 3-da gobol ee maamulka loo dhisayo, kaas oo ay iska wada kaashadeen dawlada Soomaaliya iyo IGAD. Shirkaas waxaa dhinaca dawlada ka socday Goodax Bare oo ahaa wasiirka arrimaha guddaha. Afey ayaa sheegay in Bare Hiiraale qoonsaday war uu shirka ka dhex sheegay oo ahaa in cidii diidan dawlad dhiska Soomaaliya lala dagaalamo oo la mid yihiin Shabaab.
Afey waxa uu sheegay in uu Muqdisho tegay markii uu shirkii si hagaagsan u furmay. Waxaa uu Muqdisho kula kulmay madaxweyne Xasan oo u sheegay Afey in uu arrimaha shirka kala xiriiro raysul wasaare Cabdiweli Shiikh. Afey waxa uu la kulmay raysul wasaaraha, waxa uuna uga xog waramay shirka iyo meesha uu marayo. Intaas waxa uu ku daray in ay hawsha socota xil gaar ah ka saran yahay, maadaama uu ka soo jeedo Jubaland. Afey waxa kale oo uu u sheegay raysul wasaaraha in loo baahan yahay in xoogaga hubeyn shirka lagu soo daro. Raysul wasaaraha oo gorowsaday hadalkii Afey ayaa tegay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kula shiray beelaha iyo ergooyinkii shirka. Waxaa uu la kulmay taageerayaashii Bare Hiiraale oo eed ka tirsaday shirka, una sheegay in uu Bare Hiiraale iyaga matalo, oo uusan shirka imanayn. Afey waxa uu sheegay in safarka raysul wasaaruhu uu dhiig cusub u ahaa shirka, iyo in ay Cabdiweli ka go’anayd ka miro dhalinta dhismaha maamulka Jubaland. Khataro badan ayuu raysul wasaaruhu galay intii uu joogay Kismaayo, oo hoobiyayaal ayaa lagu soo tuuray madaxtooyada oo uu deganaa.
Afey 27-kii Agoosto ayuu mar kale tegay Kismaayo, si loo sii wado dib u heshiisiinta iyo maamul dhisida Jubaland. Safarkaas waxaa ku weheliyay saddex wasiir (Goodax, arrimaha guddaha, Faarax Shiikh, cadaaladda, iyo Xalane, Maaliyada). Dhinaca kale waxaa la socday Gabre iyo labo sarkaal oo ka tirsan IGAD. Waftigu waxa uu Bare Hiiraale ugu tegay tuulada Goobweyn oo saldhig u ahayd. Afey waxa uu sheegay in uu arkay Gabre oo ay u xiran tahay bistoolad dheer, ka dibna uu weydiiyey sababta uu u soo qaatay. Gabre waxa uu yiri: ”A-Shabaab in ay i hesho ayaan ka cabsi qabaa, haddii ay i qabatana in aan isku dilo bistoolada ayaa ii qorshaysan, waayo waxa aan hubaa in aysan i cafinayn, marka intii ay silic ugu dililahaayeen ayaan isku dilayaa bistoolada”.
Dood dheer ka dib, waxaa Bare Hiiraale lagu qancisyey in uu Kismaayo u raaco waftiga, waxaana la geeyey saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen xeebta Kismaayo. Halkaas ayey ku kulmeen Axmed Madoobe iyo Bare Hiiraale. Markii ay kulmeen waxa ay bilaabeen sheeko iyo kaftan, umana muuqan rag dagaalamay. Halkaas ayey Axmed Madoobe iyo Bare ku heshiiyeen. Afey waxa uu shagay in maalintaasi ay ahayd mid taariikhi ah oo uu ka shaqeeyey heshiisiinta dad waalo ah oo ay colaadi dhex taalay. Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay dawlada heshiiskaas ka qaadatay kaalin wanaagsan.
Dhismihii Koonfur Galbeed
Afey waxa uu sheegay in intii ay socotay dhismaha Jubaland, in ay soo if baxday qorshaha dhismaha dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Ugu horeyn waxa jiray shirar ay yeesheen siyaasiyiin badan oo doonayey in la dhiso maamul ka kooban 6 gobol (Bay, Bakool, Shabeelada Hoose, Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada hoose), taas oo u muuqatay in lagu carqaladaynayey dhismaha Jubaland, sida uu sheegay Afey. Dawlada ayaa keentay qorshe ah in la dhiso maamul ka kooban 3 gobol (Bay, Bakool iyo Shabeelada hoose), taas oo ay IGAD taageertay. Waxaa kale oo Muqdisho ka jiray guux ah in gobolka Shabeelada Hoose lagu daro gobolka Baanadir, taas oo ay qabeen siyaasiyiin iyo dad badan oo ka tirsan bulshada rayadka ah. Hase yeeshee dawlada Soomaaliya ayaa gaartay go’aan ah in la dhiso maamul ka kooban 3 gobol, iyada oo Muqdisho isugu keentay siyaasiyiin ka soo jeeda goboladaas. Afey waxa uu sheegay in aan wax dhib ah lagala kulmin dhismihii maamulka Koonfur Galbeed. 9-kii Agoosto, 2015-kii ayaa Afey iyo wasiirka arrimaha guddaha (Odowaa) waxa ay tageen magaalada Baydhabo, haalkaas oo ay kulamo kula qaateen odayaasha qabaa’ilka. Waxaa la soo xulay baarlamaan lagu qaybsaday hab beeleed, ka dibna waxaa si gacan taag ah lagu doortay Shariif Xasan oo noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Koonfur Galbeed.
Dhismihii Galmudug
Afey waxa uu sheegay in dhismaha Galmudug uu ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dhib badanaa maamuladii ay dhistay dawlada faderaalka ah. Sababta waxa uu ku tilaamay kala qaybsanaanta iyo colaada ka jirtay deegaanka iyo maamul hoosaado kala qaybsan oo ka jiray gobolka. Sidoo kale, dastuurka dawlada ayaa qorayey in maamul goboleed loo samayn karo labo gobol iyo ka badan. Cabdiweli Gaas oo markaas madaxweyne ka ahaa Puntland ayaa diidanaa in maamul loo dhiso wax ka yar labo gobol. Dhinaca kale, Puntland waxa ay soo dhowaysay in maamul laga dhiso koonfurta Mudug oo uusan xilligaas maamul ka jirin. Dawlada faderaalku waxay ay arrintaas u gudbisay beesha caalaamka oo taageertay qorshaha dawlada, iyada oo ka eegtay in ay halkaas nabad ka dhalan karto, oo ay bulshadu adeeg ka heli karaan. Waxaa la dhisay guddi farsamo oo ay hoggaaminaysay Xaliimo Yarey. Afey waxa uu sheegay in ay la soo xiriirtay Xaliimo oo ka cabanaya faro gelin ay ku hayeen dawladaha IGAD, taas oo uu sheegay in uu Afey wax ka qabtay. Dawladu waxa ay isku keentay maamuladii Ahlu Suna, Ximan iyo Xeeb, iyo dad kale, iyada oo ugu dambayntii la qabtay shir ay qabiilku ku qaybsadeen xildhibaanada, waxaana madaxweyne loo doortay Cabdikariin Guuleed. Dawlada Galmudug waxaa xilligaas lagu dhisay maagaalada Cadaado.
Dagaalkii Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo waxa ay ahayd magaalo kala qaybsan oo ka jirtay dagaal iyo colaad. Magaaladu waa xudun u tahay ganacsiga, marna meel ay siyaasad murugsan ka jirto, oo waxaa wada dega beelo isku haya siyaasadda Soomaaliya. Dhinaca waqooyi waxaa ka jiray maamulka Puntland, halka dhinaca Koonfureed uusan lahay wax maamul ah ka hor inta aan la dhisin Galmudug. Afey ayaa sheegay in la filayey in dhismaha maamulka Galmudug uu soo af jaro nabadgalyo xumada ka jirtay Gaalkacyo, hase yeeshee arrintu waa ka sii dartay oo bilihii Nofeember iyo Diseember waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay dagaal xoogan. Gaas iyo Guuleed ayaa madaxweyne ka ahaa maamulada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale dawlada faderaalka waxaa madaxweyne ka ahaa Xasan iyo Cumar Cabdirshiid oo ka ahaa raysul wasaare.
Dagaalkaasi waxa uu welwel badan ku abuuray Soomaaliya iyo beesha caalamka oo dadaal badan ku bixinayey dawlad dhiska. Dhinaca kale, dagaalku waxa uu mar kale kiciyey xasaradii qabiilka iyo wixii dhacay 1991-dii. Sidoo kale waxa cabsi laga qabay sida ay ku dhici karto doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo la qaban lahaa sannadka 2016-ka. Dawlada Soomaaliya ayaa Gaalkacyo u dirtay wafti culus oo uu hogaaminayey raysul wasaare Cumar, oo ay ka mid ahaayeen Axmed Madoobe (Jubaland) iyo Shariif Xasan (Koonfur Galbeed). Sidoo kale waxa waftiga raacay wafti ka socday beesha caalamka oo uu Afey ka mid ahaa. Markii ay wafuudaasi tageen Gaalkacyo, waxa ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen labada dhinac. Ka dib, waxaa la qabtay shir balaaran oo laysugu keenay labada dhinac oo uu guddoominayay Cumar Cabdirashiid, kaas oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo. Afey waxa uu sheegay in dadkii shirka ka qayb galay uu wajigooda ka muuqday xanaaq, ayna dadku u fadhiyeen labo saf oo iska soo horjeeda (Puntland iyo Galmudug).
Afey waxa uu sheegay in dood badan iyo khudbado badan oo socday ay bedeshay dareenkii dadka, waxa muuqatay in nabada loo baahan yahay. Afey ayaa u hadlay beesha calaamka oo Af-Soomali ku hadlaya. Afey waxa uu sheegay in khubadiisu aysan ahayn mid diblumaasiyadeed, laakiin uu ku canaantay Puntland, Galmudug iyo dawlada faderaalka xilka ka saran nabada iyo badbaadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed. Ugu horeyntii Afey waxa uu sheegay waxa ay isku yihiin dadka dagaalamaha ee ay xidid, xigaalnimo iyo darisnimadu ka dhaxayso. Sidoo kale, waxa uu sheegay in dadka reer Muduga ah taariikh ku lahaayeen Soomaaliya, laakiin ay maanta ka dhacday taariikhdaas. Afey waxa uu sheegay in uu ka xun tahay, in aysan jirin cid lagala xisaabtamayo dhibaatadii Gaalkacyo ka dhacday, iyo in aysan suurogal ahayn in dad la laayo maalin kasta oo aan haddana cid maxkamad lagu geyn. Waxa uu tusaale u soo qaatay rabshadihii ka dhacay Kenta iyo dadkii loo gudbiyey maxkamada ICC. Khudbadu waxa ay si toos ah uga baxaysay warbaahinta Gaalkacyo. Afey waxa uu sheegay in dadkii meesha joogay ay u khashuuceen hadalkiisa, iyo in waftigii beesha caalamku ay fahmayeen oo keliya sacabka iyo qiiada ka dhex jirta shirka. Goobta ayaa lagu kala saxiixday xabad joojin, halkaas ayuuna ku joogsaday dagaalkii Gaalkacayo.
Dhismihii Hirshabeele
Afey waxa uu sheegay in ay dawlada Soomaaliya soo jeediday in lagala shaqeeyo dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe. Waxaa jirtay caqabado badan oo maamulka ku gadaamanaa sida reer Hiiraan oo aan doonayn in ay wax ku darsadaan Shabeelada Hoose, qaabka wax qaybsiga qabiilada, halka ay caasumadu noqonayso iyo kuwo kale. Arrintaasi waxa ay keentay in ay dawladu wax u dhaqaaqi waayaan. Afey waxa uu safar ku tegay magaalada Beledweyn bishii Juun ee sannadkii 2016-ka, halkaas oo uu kula kulmay Ugaas Xasan. Waxa uu sheegay Afey in Ugaasku ahaa nin dawladii Soomaaliya ka soo shaqeeyey, dawladnimada yaqaan, wadani ah, oo taariikhda dadka iyo dalka yaqaan. Ugaasku waxa uu Afey uu sheegay in haddii la dhiso maamul aan dadku rabin ay dhib ku tahay hogaanka dhaqanka. Afey waxa uu sheegay in dooda Ugaasku ahayd in gobolka Hiiraan uu yahay gobol fac weyn oo keligiis maamul noqon kara iyo in Sh. Shariif uu qoray warqad ku saabsan in Hiiraan labo gobol loo kala qaybiyey. Afey waxa uu sheegay in ay kala fogaayeen wixii uu Beledweyne kula kulmay iyo waxa yaalay Jowhar. Arrintaas markii ay dawlada iska xogwreysteen waxaa soo baxday in lagu qanciyo Ugaas Xasan in shirka lagu dhisayo Hirshabeele lagu qabto Beledweyn, oo uu madaxweynuhuna ka soo qayb galo. Waxa kale oo uu sheegay Afey in aan odayaashii dhaqanka ee joogay Beledweyn aysan arrintaas ku qancin, shaki ay ka qabaan dawlada. Afey waxa uu wada tashi ugu noqday dawlada, ka dib markii ay is fahmi waayeen odayaasha dhaqanka ee Beledweyne. Dawlada iyo IGAD ayaa go’aan ku gaaray in shirka lagu dhisayo Hirshabeele lagu qabto magaalada Jowhar. Xilligaas waxa socotay soo xulista aqalka sare oo ku salaysan maamul goboleed. Xafiiska IGAD waxa uu ka qaybqaatay fududeynta shirka, haalkaas oo lagu soo xulay xildhibaanadii, ugu dambayntii Cali Cosoble loogu doortay madaxweynaha maamulka Hirshabeele bishii Oktoober 17, 2016-kii.
Afey waxa uu sheegay in xafiiska IGAD ee uu hogaaminayey dadaal badan ku bixiyey dhismaha dawlad goboleedyada, oo ay Hirshabeele ahayd maamul goboleedkii afraad ee uu wax ka soo dhisay. Afey waxa kale oo uu sheegay in uu cashar ka bartay siyaasada Soomaaliya intii uu ku jiray dhismaha maamul goboleedyada. Casharadaas waxaa ka mid ah in burburkii dalka Soomaaliya uu abuuray kalsooni daro u dhaxaysa qabiilada iyo in qabyaaladu wax kasta ka weyn tahay. Waxaa kaloo ka mid ah in dadkii Soomaaliyeed ee qabka lahaa, maamulka yaqiinay oo dalkooda ku kalsoonaa ay noqdeen wax gaboobay, dhintay ama dalka ka baxay, taas oo keentay in tayada dadku hoos u dhacdo, una nuglaadaan faragelinta shisheeyuhu ka hayo. Waxa kale oo abuurmay dhaqan ah in habeenkii la soo jeedo. Afey waxa uu sheegay in dhexdhexaadin uu Jawaari ka dhexwaday madaxweyne Xasan Shiik iyo raysul wasaare Cabdiweli Shiikh, laga codsaday in ay ku soo biirto IGAD, shirkaas sidii ay u sugayeen uu waagii ka beryey. Afey waxaa loo sheegay in habeenkii oo dhan la soo jeedo. Afey waxa uu is weydiiyey sida laysku waafajin karo dhaqanka caadiga ee ah in la shaqeeyo maalintii, habeenkiina la nasto iyo dhaqanka siyaasiyiinta Soomaalia.
La soco qaybta xigta.