Sida Sheekh Cabdiwaaxid u xusuustay waayihiisii Muqdisho

W.Q. Aadan M. S. Xuseen

Sheekh Cabdiwaaxid wuxuu waxbarashada ka billaabay Muqdisho.

Sheekh Cabdiwaaxid Xaashi ayaa waraysi dhowr qeybood ka kooban siiyay kanaalka RM Somali ee YouTube. Maqaalkan wuxuu si gaar ah ugu saabsan yahay qeybaha kowaad iyo labaad ee waraysiga. Sheekhu wuxuu ka sheekeeyay dhalashadiisii (wuxuu ku dhashay miyi koonfurta ka xiga Laascaanood 1954kii), kaddibna 1963kii ayaa la keenay Muqisho oo uu ku noolaa walaalkiis. Muqdihso ayuu ku qaatay dugsigii hoose, dhexe iyo sare. Mid ka ka mid ah dugsiyadii uu soo dhigtay ka hor dugsigii sare wuxuu ahaa Dugsigii Macallin Jaamac. Sheekh Cabdiwaaxid wuxuu sheegay in Macallin Jaamac Bilaal ahaa xogheyntii Boqor Cismaan. Waa xog aad ugu duwan xog uu Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan (Enlaay) siiyay Kanaalka ku dhowaad labo sano ka hor. Enlaay, oo ahaa qoraa iyo diblomaasi, wuxuu sheegay inuu afartamaadkii qarnigii 20aad soo dhigtay dugsi uu bare ka ahaa Macallin Jaamac dugsigaas oo ay ka soo aflaxeen rag xilal ka soo qabtay Soomaaliya sida Xuseen Nuur Cilmi oo 1972kii ahaa Wakiilkii Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobay.  Enlaay wuxuu intaas ku daray in ururkii dhallinyarada (SYL) uu Macallin Jaamac  Bilaal ka keenay magaalada Cadan billowgii afartamaadkii, magaaladaas oo loo yiqiin Taajka Mustacmaradda (Crown Colony).

Cabdullaahi Enlaay ayaa sheegay in ururkii SYL ka keenay Macallin Jaamac magaalada Cadan si uu goob waxbarasho uga furo Muqdisho billowgii afartamaadkii qarnigii 20aad.

Sheekh Cabdiwaaxid wuxuu kale oo sheegay heybta beeleed ee Macallin Jaamac. Marka la xusayo Maalinta Macallinka ee 21ka Nofeembar, Macallin Jaamac waxaa lagu tilmaamaa Aabbaha Waxbarashada Soomaalida. Sidaas darteed uma baahna in loo abtiriyo.

Macallin Jaamac Bilaal oo arday wax ku baraya Muqdisho.
Danjire Xuseen Nuur Cilmi wuxuu ka mid ahaa ardaydii uu wax soo baray Macallin Jaamac Bilaal.

Dhinaca kale, Sheekhu wxuu gumeysigii reer Yurub ku tilmaamay Saliibiyiin (crusaders). Saliibiyiintu waqti ayay jireen oo waxay la dagaallamayeen Muslimiinta ku nooleyd dhulka hadda loo yaqaanno Shaam iyo dhulal kale ka badan 600 sano ka hor. Ereyga gumeysi ayaa ka macne ballaraan isticmaar oo Carabi ah. Sheekhu wuxuu sheegay in gumeysigu fiday kaddib markii la dumiyay “Khilaafkii Islaamka” sanadkii 1922kii. “Boqortooyadii Cismaaniyiinta” ayaa ku qoran buugga Taariikhda ee fasalka 2aad ee dugsiga sare ka hor 1991 Soomaaliya. Magaca kale ku qoran buugagga taariikhda galbeedka waa “imbaradooriyaddii Cismaaniyiinta (The Ottoman Empire). Sucuudi Caraabiya waxa dugsiyda lagu bartaaa in Boqortooyadii Cismaaniyiintu  ahayd awood qasab ku haysatay dhulalka Carabta. Sucuudigu wuxuu xoogga saaraa qarannimada. Xukuumad kasta iyada ayaa doorata sida ay u arkayso wixii la soo maray. Dowladdii Kacaanku waxay dowladdii ay afgambisay u tiqiin “dowladdii musuqmaasuqa” halka dunida inteeda kale looga yaqaanno “dowladdii rayidka.”

Way fiicnaan lahayd in Sheekh Cabdiwaaxid ka afeefto in xogaha uu wadaagayo, gaar haan kuwa ku saabsan dadka kale, ay u badan yihiin xusuus iyo hadal uu dad kale ka maqlay. Sidoo kale, waxaa habboon in aan la xusin haybta beeleed ee qof hawl wax-ku-ool ah u soo qabtay dadka Soomaalida iyo dalka Soomaaliya. In la sheego magaalada uu ka yimid ayaa ku filan, tusaale Cadan.

Qoraha maqaalka waa bare taariikhda ka dhiga jaamacad ku taalla Muqdisho.

© Puntland Post, 2026