Shaqaale ka tirsan dowlada Hoose oo lagu dilay Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa xalay lagu dilay mid ka mid shaqaalaha dowladda hoose degmada Boosaaso, kaas oo ka shaqayn jiray diiwaan-gelinta guryaha iyo lambaraynta.

Dilka waxaa geystay koox baastoolado ku hubays oo aan haybtooda la garanayn, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta dhacdadan ka dhacday, iyado oo welina aysan ka hadlin laamaha amniga Boosaaso.

Kooxo ka tirsan Daacish iyo Al-shabaab oo saldhigyo ku leh buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sanadihii u dambeeyay Boosaaso ku dilay saraakiil ka tirsan dowladda, arday iyo ganacsato.

PUNTLAND POST