Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya oo yeeshay isbahaysi ku saabsan xaaladda gobolka

Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ereteriya Asias Afwerk iyo Masar Cabdullfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, kaas oo ay uga wadahadleen arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga saddex-geesoodka ah iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay shirka.

Shirkan ayaa Madaxdu isku weydaarsadeen aragtiyo iyo qorsheyaal ku saabsan xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka, taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, caqabadaha amni ee saameeya dalalkan kulaala Badda Cas iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa ilaalinta iyo nabadgelyada marin badeedkaasi.

Madaxweynayaasha oo ay wehelinayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar ayaa adkeeyey in iskaashi dhow iyo wada shaqeyn joogto ah lagu xallin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

PUNTLAND POST