Puntland oo qabatay gaadiid badeed qaarkood sharci darro ku kalluumeysanayeen

Ciidamada badda Puntland ee magacooda loo soo gaabiyo PMPF ayaa sheegay in howlgallo ay todobaadkan ka sameeyeen xeebaha degmooyin Puntland ku qabteen maraakiib, doonyo, laashash iyo badmaaxiin ajaanib ah.

Gaadiid badeedkaas ayaa la sheegay in ay isugu jiraan kuwo sifo sharci darro ah u kalluumaysanayay, kuwo looga shakiyey burcad-badeed iyo kuwo aan haybtooda la aqoon.

Qoraaal ka soo baxay ciidamada PMPF ayaa lagu yiri “cutubyada badda ee ciidamada PMPF, oo si joogto ah u wada gulufyo lagu sugayo amniga badaha Puntland ayaa hawlgallo lixaad leh ka sameeyey todobaadkan guud ahaan Xeebaha degmooyinka Puntland, kuwaasi oo lagu qabtay maraakiib, doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii”.

“Gaadiid badeedkan ciidanku qabteen waxa ay isugu jireen kuwo sifo sharci darro ah u kalluumaysanaayey, kuwo looga shakiyey burcad-badeed iyo kuwo aan haybtooda la aqoon oo ciidamada gaar ka ahi ka hawlgaleen, si qorshahooda loo caddeeyo” ayaa lagu daray.

PUNTLAND POST