Sarkaal lagu dilay Muqdisho

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Gasahaanle Dhexe Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa lagu dilay meel u dhow dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye (School Polisiyo) oo ah meelaha ugu ammaanka badan Muqdisho, waxaana baxsaday kooxdii dilka gaysatay.

Sarkaalkan ayaa ka soo jeeday deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana weli dilkiisa ka hadlin Booliska Soomaaliya oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan dowladda.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa ka tacsiyeeyay dilka sarkaalkan, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku yiri “innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa”.

“Ehelka, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu tacsiyaynayaa geerida ku timid Alle ha unaxaristee marxuum Aadan Biit” ayaa ku daray.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay dilka sarkaalkan, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaan ugu tacsiyadeynayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, si gaar ah caruurtii iyo qoyskii uu ka baxay Allaha u naxariistee Kornayl Aadan Cumar ( Biit) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska oo ay caawa cadawga argagexisada ah ee Muqdisho ku dileen.

“Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo” ayuu raaciyay.

PUNTLAND POST