Boqolkiiba 70 ceelasha biyaha ee waqooyiga Qaza oo la burburiyay


Weerarada militariga Israa’iil ayaa burburiyay boqolkiiba 70 ceelasha biyaha iyo sidoo kale boqolkiiba 50 matoorada bulaacadaha wasakhda qaada ee waqooyiga Qaza, sida uu xaqiijiyay duqa magaalada Beit Lahia, Alaa al-Attar, taas oo uga ka sii daraysa xaaladaha nadaafadeed.

“Dhammaan dalagyadii beeraha ee magaalada Beit Lahia oo ahaa isha kowaad ee cuntada marinka ayaa la burburiyay” ayuu yiri Alaa al-Attar.

Kooxaha gargaarka ayaa sheegaya in la’aanta biyo nadiif ah, nafaqo, faya-dhowr iyo daryeel caafimaad oo la isku halayn karo oo Qaza ka dhacdaa ay keenayso cudurrada faafa, oo uu ku ugu horeeyo cagaarshowga A, uu ku faafo deegaanka.

PUNTLAND POST